Categories
Aqoonta Guud Caafimaadka Health

Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga

Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga Su’aasha: Asc wllyaal. Waa maxay sababta ereyada sayniska ay xiriir ula leeyihiin Gariiga iyo Laatiin?  Mahadsanid Jawaabta: Gariiga waxaa lagu tiriyaa ummadaha dunida ugu horreeyay dhanka cilmibaarista, xataa carabta waxay cuskadeen buugaagta ay qoreen culimada Gariiga, sidoo kale reer galbeedka aad ayay u cuskadeen marka […]

Categories
Aqoonta Guud Talooyinka Consultation

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 2aad)

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 2aad) Mawduuceenii hore waxaynu si guud u tilmaannay Dhibaatooyinka ay keenaan daawashada aflaamta galmadu sidoo kale waxaynu si gaar ah u tilmaannay saamaynta taban iyo waxyeellada ay aflaamtani gaadhsiiyaan qalbiga iyo ruuxda, sidoo kale inay keenaan welwel iyo murug aan dhammaanin oo si joogto ah usoo wajaha qofka […]

Categories
Aqoonta Guud Talooyinka Consultation

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 1aad)

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 1aad) Qoraalkani maaha midkii ugu horreeyay ee lagaga hadlo mawduucan balse waxaa jira qoraallo kale oo laga sameeyay kuna jira webkeenan daruur.com, ujeedada qoraalkayganina waa inaan sii xoojiyo maadaama mawduucani uu leeyahay ahmiyad wayn wakhtigan aynu kujirno oo dhallinyaro badani ku fitnoobeen aflaamta noocan ah. Akhristoow bal ila […]

Categories
Aqoonta Guud Bulsho Society

Calaamada wareegsan oo qorraxda lagu arkay magaalada Jigjiga

Dad badan waxay sheegeen inay ku arkeen magaalada Jigjiga qorraxda oo ku dhex jirto jeegaan zero ama wareeg hoos oo kale ah, dadka qaar waxay dhaheen qorraxda ayaa soo dhowaatay waana calaamad ka mid ah calaamadaha qiyaamaha. Laakin run ahaantii arrintaas waa arrin jirto waxaana loo yaqaanaa هالة الشمس (Solar Halo) waxaana keenaya daruuro badan […]

Categories
Aqoonta Guud Sawirada

Geedka garaska carabi iyo ingiriis waxa lagu dhaho

Geedka garaska carabi iyo ingiriis waxa lagu dhaho Waa maxay geedka garaska? Geedka garaska waxaa la dhahaa afka qalaad  Dobera glabra carabigana شجر ضبر ama ضبر أجرد waa geed abaareed wuxuu gaaraa dhererkiisa ilaa 8 mitir cimrigiisana sedex boqol sano, wuxuu ka baxaa meelaha buuraha ee dalka yaman iyo geeska Afrika oo ay soomaali ka […]

Categories
Aqoonta Guud Fatwada

Waa maxay quasar ama iftiin cireedka

Su’aasha: Asc dr waxan raba ina kuwaydiyo wamaxay iftin cireedka loyaqan quasar mahadsanid. Jawaabta: Iftiin cireedka loo yaqaano afka ingiriiska “Quasar” carabigana la dhaho “النجم الزائف” ama “شبيه النجم ” waa goob kulul bukhaar ah waxay ku harertaa waxa loo yaqaano duleelka madow carabiga “الثقب الأسود” ingiriiskana waxaa la dhahaa “Black hole “, faahfaahinta laga […]

Categories
Afka carabiga Aqoonta Guud Bulsho Society

Codadka Xayawaanada – Soomaali iyo Carabi

Codadka Xayawaanada – Soomaali iyo Carabi Luqadaha marka lagu xeeldheeraado waxaa loo gudbaa meel kasii fog wada hadalka caadiga ah, waxaa soo galaya dhawaaqa u gaarka ah nooleyaasha qaar, inkastoo afafka badankooda aysan arrintaas si xoog u eegin haddana af soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka daneeya sida carabiga oo kale, xayawaan kaste codkiisa  inuu siiyo […]