Fadliga barashada Afka carabiga xaga diinta islaamka Guud ahaan barashada afafka waa wax aad u fiican, maxaayeelay qofka yaqaana afaf badan wax badan ayuu ogaan karaa, dhaqamo badanna wuu arki karaa. Afka carabiga wuxuu leeyahay arrin u gaar ah oo xeeldheer, waa luqadda Quraanka kariimka iyo sunnada nabawiga sharafta badan, wuxuuna ahaa quraanka kariimka mucjisada […]
