Categories
Riyooyinka Dreams

Gabar eddo u ahay baa ku riyootay anoo la isoo doonay

Su’aasha: Asc walaalaha webka waxaad i fasirtaan riyo waqti aan xaas ahaan jirey lakiin hada waan kala tagnay baa gabar aan eddo uhay waxay ku riyootay anoo uu i soo doonayo nin gaari cad wata waliba 2 jeer wiil gabadhaas la dhashay isna sidoo kale buu ku riyooday. Jawaabta: Riyada naagta la qabo oo lasoo […]

Categories
Riyooyinka Dreams

Waxaan ku riyooday ani iyo ninkayga meel jamacada oo qurxoon guryo nalaga siiyay

Su’aasha: Asc walalaha wll waxaan ku riyooday ani iyo ninkayga meel jamacada oo qurxoon guryo nalaga siiyay nalagu dhahay mid kad doorataan daga oon dabaq sii fuulayno. Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa adiga iyo ninkaaga in noloshiina is baddalayso oo aad farxad ballaaran la kulmi doontaan, riyada waa riyo wanaagsan oo khayr ah. Waliba nolol heer […]

Categories
Riyooyinka Dreams

Wiil ku riyooday madaxweyne Farmaajo oo lacag doolar siinaya

Su’aasha: Asc walle waxan ku riiyooday xalay Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo oo lacag doollar isiinaya wuuxuuna ii leeyahay qaado waana lacag xaashii ah oo dollar ah marka maxay noqon karta fasiirkeeda. waad mahadsan tahay. Jawaabta: Riyada waa bishaaro waxay tilmaamaysaa inaad gaari doonto jago sare sidoo kale inaad yeelan doonto magac iyo awood, riyada […]

Categories
Riyooyinka Dreams

Gabar ku riyootay iyadoo nin dhulka ku nabaya oo ninkeeda ka badbaadiyay

Su’aasha: Asc wll gabar ayaa waxay ku riyootay iyadoo nin duub cad dhulka igu nabaya kabaxso markaan isdhahayna ninkaygaa ii qabtay oo idhahay wax kuma yeelayo. Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa xiriirka adiga iyo ninkaaga idinka dhexeeya inuu aad isu baddali doono wuxuu noqonayaa mid fiican farxad iyo guul ayaad helaysaan arrimihiina aad bay u wanaagsanaan […]

Categories
Riyooyinka Dreams

Gabar riyootay iyadoo madaxeeda intay dhabta saaratay injir ka guraysa

Gabar riyootay iyadoo madaxeeda intay dhabta saaratay injir ka guraysa Riyada: Asc gabar reer leh ayaan waxay ku riyootay iyadoo madaxeeda intay dhabta saaratay injir ka guraysa maxay noqonkartaa wll   Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay ka badbaadi doonto dhibaatooyinka murugta ku haya, injirta riyo marka lagu arko guud ahaan waxay tilmaamaysaa fikir iyo rafaad […]

Categories
Riyooyinka Dreams

Riyada gabar fureyaal badan u dhiibeyso niman masjidka u socda

Riyada gabar fureyaal badan u dhiibeyso niman masjidka u socda Su’aasha: Asc wll allaha ku barakeyo waxan ku riyooday anigoo ordayo meel ayan u dagdagayey waxan maqlay aaqimka saladaa waxana iga hor yimi koox niman eh oo iyana ordayan waxan ka aqonsaday imamka masajidka masajidka aye u degdegayen markan dhaafay ayan arkay wiil ku ciyaaraya […]

Categories
Riyooyinka Dreams

Riyada beerta xildhibaano iyo macalimiin

Su’aasha: Asc Allah mahadleh waad ku mahadsan tihiin sida ugu wanagsan eed noogu hakarbaxdaan Allah macak waxaan ku riyooday anoo ay ila joogaan xildhibaano barlamanka ah oon sheekaysanayno iyo macalimiin oo beer qurux badan oo green ah oo doogle aad u dheer ay nadiifinayan macalimiintu si aan u fadhiisano oo ay doogii iyo dhir dhaadheer […]