Jacaylka aan waarin calaamadaha uu leeyahay

Jacaylka 20 jirka iyo guurka degdegga

Qofka markuu yar yahay oo wali uusan qaadan mas’uuliyad ma fahmo dhabta,
dhalinyarada ka yar labaatanka waxay u malaynayaan jacaylka inuu yahay hadal.
gabar haddii ay dhahdo wiilka 20ka jira : waan ku jeclahay aboowe isagoo dhan adduunka ayaa la wareegsanayo, wuxuu u qaadanayaa arrintaas inay tahay sheeko ah, ma oga inay dumarka ku dhahaan hadalkaas kun nin.
teeda kale marka ninka uu guursado isagoo aan fahansanayn mas’uuliyad waxa ay tahay, furiinkiisa waa soo degdegaa, immisa nin oo aan gaarin 20 oo xaasaskooda soo furay, runtii lama soo koobi karo, Muqdisho markaad tagto ayaad o gaanaysaa xaalka siduu yahay, markaad aragto gabar aan gaarin laabatan sano oo garoob ah, yaa soo furey mid faceeda ah, aaway jacaylka laysku akhrinayay.

Jacaylka aan waarin calaamadaha uu leeyahay
Jacaylka aan waarin calaamadaha uu leeyahay

dhamaan kaadi-labood ayuu ahaa, oo ku dhisan dhaleenteed, sheekada jacaylka si xun ayaa loo fahmay, ma aha jacaylka si dad badan oo soomaali ah ay u fahmeen.
jacaylka dhabta ah sidaas ma aha, waa jacaylka ku dhisan tixgalin iyo dareen mas’iiliyad.
qofka marka uu weynaado wax badan ayuu ka fahmayaa nolosha, marka seef-laboodka uu ahaa iyo waqtiga dhabta uu gaaro farqi weyn ayaa u dhexeeya, marka waxaa laga rabaa qofka intuusan guur madaxa la galin, waa inuu wax bartaa oo aqoon yeeshtaa, si uu u maamulo gurigiisa, ma aha inuu noqdo qof aan nolosha wax ka ogeyn.
gabdhaha iyaguna waa la mid ninka ku yiraahdo waan ku jeclahay isla markii ayay aaminaan, sheekadu sidaas ma aha, runta hala ogaado xaalka markuu sidaas yahay waa wax qaldan u baahan in la saxo, jacaylka dhabta ah waxaad helaysaa marka aad ninka xalaasha ku guursato, nin guurdoon beenlow ah yuuna ku sirin, beenta nimanka badankooda waxay u tahay makaalinta ay dumarka ku ugaarsadaan, marka iska ilaali ragga beenta badan, marka ninkaas aad u gacan gasho nolosha ayuu kugu ciqaabayaa, waxaad arkaysaa isagoo naag kale raadinaya asoon ka soo bixin mus’uuliyadda dusha ka saaran.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More