Soomaalidii hore iyo kuwa hadda rag iyo dumarba

Somalis in ancient and modern, men and women

Soomaalidii hore iyo kuwa hadda rag iyo dumarba

Marka hore  intaanan ka hadlin waa inaan wax yar tilmaannaa oo la xiriira dhaqanka iyo nolosha soomaaliyeed.

Soomaali waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu khayraadka badan dunida.

Ilaahay wuxuu ku mannaystay waxyaalo aad u badan.

Soomaalidii hore iyo kuwa hadda rag iyo dumarba
Soomaalidii hore iyo kuwa hadda rag iyo dumarba

Marka laga hadlo cuntada guud ahaan sida hilibka iyo kalluunka iyo furuudka aan lasoo koobi karin.

laakin waxaa ka maqan maamul hagi kara amuurahaas.

dowlad toosan ilaa iyo hadda waa la la’yahay.

Waddanka amaan ma laha dilalka shirqoolka aad ayay  ugu badan yihiin.

Musuqmaasuqana meel kaste ayuu galay.

Soomaali waxaa kaloo laga helaa waxyaalo aan laga helin dowladaha qaar xagga furuudka iyo geedaha. waxaa kaloo jooga dad kasoo jeeda carab iyo hindi iyo Faaris oo keenay dhaqamo badan oo kusaabsan cuntada.

waxaa kaloo ka jira soomaali yaab leh dadka sancada sameeyo soomaali waa laga yasaa lama qiimeeyo.

tusaale ahaan kabaha watarburuufka loo yaqaano waxaa laga sameeya bambiirada lugaha gawaarida waa kabo aan biyo wax ka tarin iyadoo sidaas ay tahay soomaalida way liidaan qofka wato waxaa loo arkaa inuu liito.Afar erey English ah oo dadka aad ay isugu qaldaan

cuntada soorta ama cambuulada waa la yasaa.

waxaa loo arkaa bariiska iyo baastada iyo rootiga inay yihiin cunto reer magaal.

taasoo dhan waxaa ugu wacan jahliga ay somaalida ku jiraan.

adduunka marka aad tagto waxaad arkaysaa ummad kaste waxay haysataa dhaqankeeda xagga cuntada iyo labiska mana liidaan dhaqankooda.

Bulshada waxaa sal adag u ah hooyada.

soomaalida waagii hore dhaqankooda wuxuu ku salaysnaa tixgalin iyo wanaag taasna waxay u noqonaysaa diinta islaamka.

waxaa ku jiro gabdho oo diintooda ku dhegan oo aan raacin dhaqanka xun ee maanta lala boodayo.

dumarkaas meel kaste ayay joogaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

waxaa kaloo jira haween soomaaliyeed oo falaago noqday, tusaale ahaan dumarka soomaaliyeed marka ay galeen waddamada reer galbeedka qaar badan ayaa aad uga soo horjeestay dhaqanka soomaaliyeed gaar ahaan kan diinta ku salaysan.

qaar baa xishoodka ka tagay dhar qaawan ayay qaateen  qaar ragooda ayay iska fureen  waxay bilaabeen inay guurdoon cusub noqdaan  ninkay guursadaanba inay iska furaan.

waxaad arkaysaa naag soo guursatay rag gaaraya 10 nin.

waxasoo dhan waxay tilmaamayaan soomaalida marka ay u dhowaadeen dhaqanka gaalada inay aad isu rogeen.

waagii hore soomaalida way adkayd inay is furaan daruuro inay keento mooyee furiinka wuu adkaa, laakin 30kan sano  ugu dambeeyay furiinka wuxuu iska noqday biyo la cabbayo, gudaha iyo dibaddaba.

Soomaalida maanta iyo kuwii hore farqi weyn ayaa u dhexeeya.

xitaa xagga aqoonta marka la eego waxaad arkaysaa dadkii hore inay ahaayeen dad miisaan leh.

 

Habarta rabta Soomaali inay dhaqan xun qaataan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More