Qofkii saaxiib khaas aan lahayn maxaa la dhihi karaa

Su’aasha:

Asc salaan kadib
Waxaan idiin weydiinayaa
Ani saaxiib khaas ah ma lihi qof kastoo an arko waa saaxibkeyga
Dadka qaar waxay leeyihiin saaxiib u khaas ah
Markaa arintaas ani maxaan u sababeen karaa in aan qof kasto saaxiib isaga dhigto saaxib khaas ah na aan yeelanin wad mahadsantihiin.

Qofkii saaxiib khaas aan lahayn maxaa la dhihi karaa
Qofkii saaxiib khaas aan lahayn maxaa la dhihi karaa

Jawaabta:

Nolosha ayaa qofka ku qasbaysa inuu lahaado saaxiib khaas ah, waana wax dabiici ah, qof kaste wuxuu leeyahay qof saaxiib uu ku kalsoon yahay, inkastoo samanka aan joogno aan la heli karin saaxiib daacad ah, laakin haddana way fiican tahay inuu jiro qof aad ku kalsoon tahay oo aad saaxiibo tihiin oo aad la tashanayso, shardi ma aha inuu qof shisheeye ahaado saaxiibka, xataa wuxuu noqon karaa walaalkaaga ama adeerkaaga ama abtigaaga, saaxiib waxaa laga wadaa qofka aad la socoto oo aad ku kalsoon tahay.

In qof kaste aad saaxiib ka dhigato waxay keenaysaa inaad ku dhacdo qof aan daacad ahayn, laakin dadka oo dhan waad la socon kartaa adoon saaxiib hooseed ka dhiganaynin.

Dad waxaa jira dabcigooda aan u saamaxaynin inay saaxiib khaas samaystaan, taasna waa wax jira oo dad badan ay ku dhaqmaan.

Marka aad saaxiib khaas ah samaysanayo waxaa la rabaa inuu ahaado qof wanaagsan, nabiga (SCW) wuxuu yiri:

 

(المرءُ على دينِ خليلِه فلينظرْ أحدُكم مَن يُخاللُ)

(Qofka wuxuu ku sugan yahay diinta (dhaqanka) saaxiibkiisa ha iska fiiriyo midkiina qofka uu la saaxiibayo) 

Abuu Daawuud iyo Tirmithi iyo Axmed ayaa wariyay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More