Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay

Su’aasha:

Asc bahda daruur waxaan rabaa inaad ii sheegtaan astmaaha lagu garto qofka aan ku rabin ama ku neceb oo ku xasdaya iyado sidas ay tahayna saaxib kula ah oo iska dhigaya inuu ku jecel yahay.

Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay
Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay

Jawaabta:

Guud ahaan waxaa jira astaamo lagu garto qofka munaafuqa ah hadda waxaan ka wadaa munaafuq qofka labada weji leh oo adiga wanaag kuu muujinaya laakin markuu kaa tago hadal kale ku hadlo ama gadaal kaa caayo.

Hadda aad ayay usoo bateen dadka dhaqankaas leh waxaan ka wadaa dhaqanka labada weji, taasna waxaa keenaysa qofka oo kaa baqaya oo cabsi weyn kaa qabo hadduu runta kuu sheego wuxuu diidayaa inaad gooyso ama aad ka fogaato.

Haddaba waxaad ku ogaan kartaa qofka ku necebĀ  marka aad u sheegto guusha aad gaartay wajigiisa inuu isbadalo oo si kado ayuu u naxaa kadib ayuu isku dayaa inuu farxad muujiyo laakin farxaddaas ma aha mid qalbiga kasoo fulayso.

Waxaa kaloo aad ku garan kartaa wuxuu kugu dhahayaa arrimo xunxun laakin kaftan ayuu kaaga dhigayaa, runtii wuxuu qalbiga ka jecel yahay arrimahaas hadday si dhab ah kugu dhici lahaayeen.

Waxaa kaloo aad ku garan kartaa qofka xaasid ah inuu kaa leexiyo talada fiican oo uu isku dayo inuu ku siiyo talo xun marka aad arrin kala tashato, wuxuu kaloo isku dayayaa inuu kuu xumeeyo wax fiican markaad samaynayso ama aad ku talajirto inaad qabato, sidoo kale wuxuu aad kuu weyddiinayaa afaarahaaga hoose wuxuu rabaa inuu guntaada ogaado isagana lagama yaabo inuu arrin kula wadaago.

Runtii astaamaha way badan yihiin halkaan qoraallo la mid ah ayaad ka helaysaa:

  1. Saaxiibka Xaasidka Ah Sida Loola Dhaqmo
  2. Saaxiibka Xaasidka Maxaa Lagu Gartaa
  3. Saaxiibka Xaasidka Ah Sida Lagu Garto
  4. Qalbiga Cad Iyo Qofka Xaasidka Ah
  5. Saaxiibka Xaasidka Astaamaha Lagu Garto
  6. Haddaad Guul Rabto Dadka Xaasidka Sidan U Gal
  7. Qofka Siduu Ku Gaari Karaa Mustaqbal Heer Sare Ah

In general, there are signs to identify a hypocrite. Now I call a hypocrite a two-faced person who shows you kindness but when he leaves you, he says something else or insults you behind your back.

Now, there are many people with that culture, I call it the two-faced culture, and this is caused by the person who is afraid of you and is very afraid of you. If he tells you the truth, he refuses to cut you off or keeps away from you.

So, you can tell if a person hates you by the way his face changes when you tell him about your success and he suddenly becomes sad, then he tries to show happiness, but that happiness is not from the heart.

You can also tell if he says bad things to you but he makes fun of you, he really loves those things from the heart if they were to happen to you.

You can also recognize a jealous person by turning away good advice from you and trying to give you bad advice when you consult with him on a matter. He also tries to ruin something good for you when you are doing or intending to do it. He also asks a lot about your private affairs. He wants to know your innermost feelings and he is unlikely to share anything with you.

Leave a Reply