Su’aasha:
Waxaan ahay qof dhalinyaro ah. kana fekira siduu mustaqbal wanagsan uyelan lahaa. hadane Waxaan ka baqayaa inaan muujiyo xirfadahayga. dhibatadaan sidaan uga bixi lahaa oo qalbigayga aan uga saari lahaa baan ka fekiraa. hadane waxey ila noqotaa midaas mid aan fududeeyn.Waxaan waligey ku hammiyi jiray inaan noqdo qof wax bartay, isku kalsoon, haddana dariiqaas aad ayay iigu adkaata. dadka ii dhowna weyba iniyad jabiyan marka aan wax usheego ama talo weydiisto waxanba ka baqa xita hadda in aan dadka dhexgalo dhibkeygana cidna lama wadaago.asxabteydana wey koban yihiin asxaab badan ma lihi. ilatali waxana rajeynaya taladaada iney i anfici doonto oo nolosheyda wax ka bedeli doonto allena igu kaalmeeyo talada aad isoo qori doonto i.a. Aan ka faa’iidaystee.

Jawaabta:
Walaal marka ugu horraysa waxaad ogaataa nolosha adduunyada in loo joogo imtixaan, qofkii imtaxaankaas ku baaso aakhiro isagaa liibaanaya, imtaxaankaas waxaa lagaga baasi karaa inaad ka baqdo Allaha weyn oo koonka abuuray oona aad qaadato fariimaha uu ku faray, waxaa taas kugu kaalmaynaya inaad garato danta aad u nooshahay, waxa ku wadi karana waa qalbiga iyo niyadda haddii niyadda ay kaa jabto wax kaste waa kaa burburayaa, waxaad ka fogaataa qof kaste aad ka dareento inuu niyadda kaa jabinayo, saaxiibka xun wuxuu ka mid yahay dadka niyadjabka keeno, waliba waxaa ugu xun qofka aad ku kalsoon tahay isaga xumaantaada ka shaqeeyo, waligaa waxaad la saaxiibtaa dadka diinta leh oo dabeecadda wanaagsan aan xaasidka ahayn, maxaayeelay dadkaas waxay kugu kaalmaynayaan nolosha, hadal wanaagsan ayay kugu dhahayaan niyaddana way kuu dhisayaan, qofka marka uu helo dadkaas firfircooni ayuu helayaa laakin dadka niyadda kaa jabinayo marka aad ku dhex jirto waxaad dareemaysaa caajis iyo wahsi wixii aad rabto inaad qabato dadka ayaad ka baqaysaa maxaa lagaa sheegaa, tolow maxaa lagu dhihi doonaa, waxaaba laga yaabaa inaad iska dhaafto wixii aad qaban lahayd cabsi awogeed.
Waxaan kuugu sii darayaa inaad ku dadaasho salaadda iyo quraanka iyo ducada, waqtigaagana aad u ilaali, qofkii Ilaahay ku xirmo wax walba way u toosayaan, waxaa kaloo aad xoojisaa kalsoonida, waxaadna ku xoojin kartaa arrimaha aan kuusoo sheegay, sdioo kale qoraallo badan ayaa ku jira webka Daruur oo arrintaan ka sii faahfaahsan.
Sida looga baxo nolosha ciriiriga ah
Brother, first of all, you should know that life in this world is a test.
Whoever passes that test will be successful in the hereafter.
You can pass that test by fearing Allah, the Great Creator of the universe, and by accepting the messages He has sent you. This will help you to understand the purpose of your life.
What can drive you is your heart and mind. If your mind is broken, everything will break you. Stay away from anyone you feel is breaking your mind.
A bad friend is one of the people who bring you down. The worst thing is the person you trust who works against you. Always be friends with religious people who have good character and are not jealous. Because these people help you in life. They say good things to you and build your spirit.
When a person meets these people, he becomes active, but when you are surrounded by people who break your mind, you feel bored and helpless.
Why are you afraid of people? Say, what will you be told, you may abandon what you were going to do out of fear.
I would also like to advise you to strive in prayer, the Quran, and supplication, and to guard your time, for those who trust in God, everything will be right for them, and you will also strengthen your confidence, and you can strengthen the issues I have mentioned to you, as well as many articles on the Daruur website that are more detailed on this matter.
