Qofka siduu ku gaari karaa mustaqbal heer sare ah

Su’aasha:

Waxaan ahay qof dhalinyaro ah. kana fekira siduu mustaqbal wanagsan uyelan lahaa. hadane Waxaan ka baqayaa inaan muujiyo xirfadahayga. dhibatadaan sidaan uga bixi lahaa oo qalbigayga aan uga saari lahaa baan ka fekiraa. hadane waxey ila noqotaa midaas mid aan fududeeyn.Waxaan waligey ku hammiyi jiray inaan noqdo qof wax bartay, isku kalsoon, haddana dariiqaas aad ayay iigu adkaata. dadka ii dhowna weyba iniyad jabiyan marka aan wax usheego ama talo weydiisto waxanba ka baqa xita hadda in aan dadka dhexgalo dhibkeygana cidna lama wadaago.asxabteydana wey koban yihiin asxaab badan ma lihi. ilatali waxana rajeynaya taladaada iney i anfici doonto oo nolosheyda wax ka bedeli doonto allena igu kaalmeeyo talada aad isoo qori doonto i.a. Aan ka faa’iidaystee.

Qofka siduu ku gaari karaa mustaqbal heer sare ah
Qofka siduu ku gaari karaa mustaqbal heer sare ah

Jawaabta:

Walaal marka ugu horraysa waxaad ogaataa nolosha adduunyada in loo joogo imtixaan, qofkii imtaxaankaas ku baaso aakhiro isagaa liibaanaya, imtaxaankaas waxaa lagaga baasi karaa inaad ka baqdo Allaha weyn oo koonka abuuray oona aad qaadato fariimaha uu ku faray, waxaa taas kugu kaalmaynaya inaad garato danta aad u nooshahay, waxa ku wadi karana waa qalbiga iyo niyadda haddii niyadda ay kaa jabto wax kaste waa kaa burburayaa, waxaad ka fogaataa qof kaste aad ka dareento inuu niyadda kaa jabinayo, saaxiibka xun wuxuu ka mid yahay dadka niyadjabka keeno, waliba waxaa ugu xun qofka aad ku kalsoon tahay isaga xumaantaada ka shaqeeyo, waligaa waxaad la saaxiibtaa dadka diinta leh oo dabeecadda wanaagsan aan xaasidka ahayn, maxaayeelay dadkaas waxay kugu kaalmaynayaan nolosha, hadal wanaagsan ayay kugu dhahayaan niyaddana way kuu dhisayaan, qofka marka uu helo dadkaas firfircooni ayuu helayaa laakin dadka niyadda kaa jabinayo marka aad ku dhex jirto waxaad dareemaysaa caajis iyo wahsi wixii aad rabto inaad qabato dadka ayaad ka baqaysaa maxaa lagaa sheegaa, tolow maxaa lagu dhihi doonaa, waxaaba laga yaabaa inaad iska dhaafto wixii aad qaban lahayd cabsi awogeed.

Waxaan kuugu sii darayaa inaad ku dadaasho salaadda iyo quraanka iyo ducada, waqtigaagana aad u ilaali, qofkii Ilaahay ku xirmo wax walba way u toosayaan, waxaa kaloo aad xoojisaa kalsoonida, waxaadna ku xoojin kartaa arrimaha aan kuusoo sheegay, sdioo kale qoraallo badan ayaa ku jira webka Daruur oo arrintaan ka sii faahfaahsan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More