Jinka dhib ma ii geysan karaa qofka uu saaran yahay haduu ii xanaaqo

Su’aasha:

Asc wll webka Daruur aad ayaad u mahadsan tihiin aad ayaan u jeclahay webkan wll waxaan doonayey inaan Su,aal idinka waydiiyo Jinka Waxaa jirta maamo eedaday ah oo jiniyo kusoo dagaan sida la iisheegay waxay ka dhaxashay ayeeyday Hal naag oo Jin ahna waxay kusoo raacday jaceyl oo Dhaxal ma ahan jiniyada Hal iyo Laba ma ahan waa dhowr jini waxaa masuul u ah Hal naag Jinka kale dhan intay Soo dagin iyada ayaa Soo dagta aniga magaalo kale ayaan ka imid dano ayaan u imaaday jinkii eedaday ayuu kusoo dagay waxay dhaheen Wiilkaas noogu yeera marka aan u tagay waxay igu dhaheen arinta aad halkan u imaatay Kuma fiicna naftaada ayaana ku wayneesa ee iska daa arintii waan iska Daayey Su,aasheyda waxay tahay Jinka awood ma u leeyahay wax aan dhicin inuu sii ogaado su,aasha kale aan qabo waxa waaye eedaday cida ay isku xanaaqaan jin jaan ladhaho ayey ku dirtaa aniga iyo eedo arin faamil ah ayaan isku qabanay jinkeeda ayaa Soo dagay wuuna Ii hanjabay kadib eedaday waan iska sasabay Waxay iiso dajisay Jinka waxay igu tiri wareyso oo raali geli Jinkii Marka uusoo dagay waxay igu dhaheen carada uu Jinkii kuu hanjabay ku baxay meel kale oo family kiina ah ayey aaday ee adiga Kuma soo aadin Su,aasha waxay tahay Jinka Awood ma u leeyahay inuu kusoo aado hadii qofka uu kusoo dagto aad isku dhacdaan.

Jinka dhib ma ii geysan karaa qofka uu saaran yahay haduu ii xanaaqo
Jinka dhib ma ii geysan karaa qofka uu saaran yahay haduu ii xanaaqo

Jawaabta:

Jinka wuxuu la socdaa dadka sixirka sameeya ama dadka sixirka loo sameeyo, qofkii Ilaahay magangalo oo akhrisanaya aayadaha jinka laysaga difaaco wax kama qaadi karo, jinka wuxuu wax ku samayn karaa kaliya qofkii Alle u qadaro inuu dhib u geysto, awooddaas ma laha, teeda kale waxa maqan jinka awood uma laha inuu ogaado sida quraanka sheegay, jinka inuusan ogeyn waxa maqan Alle ayaa quraanka ku sheegay wuxuu yiri Alle:

(فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ الْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِ إِلَّا دَابَّةُ الْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ الْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ الْغَيْبَ مَا لَبِثُوا فِي الْعَذَابِ الْمُهِينِ)

(Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed))

waxaa laga yaabaa inuu wax soo dhagaysto oo uu been ku daro, dadka sixirka sameeya jin ayay la dhaqmaan waxay u sameeyaan wixii uu rabo xoolo ayay u gowracaan ama xumaan ayay sameyaan si ay dana uga fushadaan, marka adiga quraanka qabso wax uu kaa qaadi karo ma jiro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More