Shaqada ayaan culeys ka dareemayaa

Su’aasha:

asc bahda daruur wa idin salaamey waxaan raba inaad ila talisaan waxaan ka shaqeeya meel caruurta lagu xanaaneeyo oo madrasa quraan ah waxaan kushaqeeyn jirey nidaam aad ufcn beryahan waxaan isku arkey shaqada markan tago culees ayaa isaarmaa ayado aan u3 iloowey qaabkii an ushaqeyn jirey oo caruurtasi wax ubari jirey arintaasi aad ayn iskula yaabey dadka meeshasi maamulka ka ah waa dad an isku fcnhy misane hadana mararka qaar shaqada ayaan nacaa ayado aad aan ujeclaan jirey shaqadeeda arintaasi maxey noqon karta.

Shaqada ayaan culeys ka dareemayaa
Shaqada ayaan culeys ka dareemayaa

Jawaabta:

Sida aad sheegtay waxaa laga fahmayaa in shaqada aad mar hore jecalayd hadana aad dhibsanayso.

Xaaladahan oo kale waxaa laga yaabaa inay u noqdaan nafsiyaadka oo waxaa dhici karta in aad ku fikirtay shaqo kale ama dad aad aragtay shaqo fiican haystaan oo lacag badan helaya markaas aad nacday shaqadaada, ama dad meesha shaqada kula jooga oo hadal niyadjab ayay kugu dhaheen.

Waxaa kaloo dhici karta in lagu ileystay, isha waa xaq, waxaa laga yaabaa in la arkay sida aad shaqada ku tahay markaas il ku qabatay.

Waxaa kaloo dhici karta in lagu sixray, adduunkan dad waxaa jira xaasid ah oo dadka ka shaqeeya oo xumaan la rabo oo sixir u sameeya.

Marka haddii shaqadaada ay kuu fiican tahay oo aad ku nooshahay ku dadaal si aad u haysan lahayd , Quraan akhriso inshaa Allaah Alle waa kaa qaadi doonaa wixii dhib ah.

As you said, it is understandable that you are having trouble with your job, which you used to love.
Such situations may be psychological, and it may be that you have thought about another job, or you have seen people who have good jobs and earn a lot of money, and you have hated your job, or people at work have said negative things to you.
It may also be that you have been cursed, the evil eye is right, perhaps they saw how you are at work and they have cursed you.
It may also be that you have been bewitched, in this world there are people who are envious of people and want to harm them and do magic.
So if your job is good for you and you are living in it, try to keep it, read the Quran, God willing, Allah will remove any trouble from you.

Leave a Reply