Jacaylka aan waarin calaamadaha uu leeyahay
Jacaylka 20 jirka iyo guurka degdegga
Qofka markuu yar yahay oo wali uusan qaadan mas’uuliyad ma fahmo dhabta,
dhalinyarada ka yar labaatanka waxay u malaynayaan jacaylka inuu yahay hadal.
gabar haddii ay dhahdo wiilka 20ka jira : waan ku jeclahay aboowe isagoo dhan adduunka ayaa la wareegsanayo, wuxuu u qaadanayaa arrintaas inay tahay sheeko ah, ma oga inay dumarka ku dhahaan hadalkaas kun nin.
teeda kale marka ninka uu guursado isagoo aan fahansanayn mas’uuliyad waxa ay tahay, furiinkiisa waa soo degdegaa, immisa nin oo aan gaarin 20 oo xaasaskooda soo furay, runtii lama soo koobi karo, Muqdisho markaad tagto ayaad o gaanaysaa xaalka siduu yahay, markaad aragto gabar aan gaarin laabatan sano oo garoob ah, yaa soo furey mid faceeda ah, aaway jacaylka laysku akhrinayay.
