Dhanka cibaadada culeys baa iga fuulaya ila taliya Talooyinka Consultation By Cabdi qani maxamed jeylaani On Dec 29, 2021 417 0 Su’aasha: Asc waan idin salamay dhamaan bahda daruur iyo akhristaha, salaan ka dib, waxaan rabaa in aad ilatalisaan. waxaan ahay qof hami nololeed leh. sidaas ay tahay markaan isdhaho, noloshada wax ku soo kordhi isbedelne ka sameey nolosha tusaale ahaan, waxan isdhaha cibadada alle jookteey, kana dheerow social media iwm. Mashquul ii keeni karaan. Waan ka caajisa dhankas markan u jeleeco dhanka cibadada culeys baa iga fuulaya, iyo. Waxbarashada. Intaba maxaan sameeya. Noloshana hadaf waa weyn baan ka leeyahay, sideen isku xakameyn karaa nafteedana. Isbedel wanagsan ugu sameyn karaa si’aan guul ugu gaaro aduun iyo aakhiro intaba. Mahadsanidin. Dhanka cibaadada culeys baa iga fuulaya ila taliya Jawaabta: Naftaada waxaad ku xakamayn kartaa go’aan adag inaad qaadato, taasna waxaa kugu caawin kara dhowr waxyaabood waxaa ka mid ah inaad Alle baryiso oo aad weyddiisato inuu niyadda kuu dejiyo inuu ku jeclaysiiyo cibaadada, waxaa kaloo aad ku dadaashaa cibadaada Alle. Qofka waxa uu ku dadaalo wuu la qabsanaa, nafta wixii la baro way la qabsanaysaa, waxaa kaloo aad samaysanaysaa dad saaxibo ah laakin waa inay aahaadaan dad fiican oo toosan, dadkaas iyagana waxay kugu caawinayaan inaad ku dadaasho wanaagga, dadka xunna waa cagsi waxay kugu caawinayaan xumaanta, ka fogow saaxiibada xunxun. Waxaa kaloo aad ogaataa waqtiga inuu yahay muhiim waxaad ku dadaalaysaa inaadan luminin, waqtiga waxaad ku ilaalin kartaa inaad ku dadaasho wixii waxtar kuu leh adduun iyo aakhiraba. CaajiskaNoocyada CibaadadaSaaxiibka xun 0 417 Share