Waxan ahay gabadh 22 jir ah walwal iyo kalsooni la’aan aan isku arkay

Su’aasha:

Asc wllo waxd talo igasiisan dhib iheystaa tasoo ah wll waxan ahay inan ama gabadh 22 jir ah xaalada waxn isku arkay mudo lagajoogo sanad markn xidhiidh lasameyo wiil waxn daremaya cidhiidhi kalsoni la,an walwal an ka baqayo inan qofka wayo an jeclado ama yanan jeclan markaste isku dhacayaga aniga usababa burburiya xidhiidhkyga waxnkle daremaa cabsi iyo inan dhamn noloshyda ka fikiriwayo oon qofjka qaladad uradiyo isagun ku mashqulo wax wanagsan habYarte ma rajeynyo raja xun unban niyada ku haya marka lkin an xidhiidh laheyn xasiloni nafis iyo inan deganasho daremayo nolosheyda iyo qorsayasheyda sificnbn uwata waxn darema inan Sidan ku nafis ahey talow wll maxa sabab lba xaladood Mahadsanidin.

Waxan ahay gabadh 22 jir ah walwal iyo kalsooni la'aan aan isku arkay
Waxan ahay gabadh 22 jir ah walwal iyo kalsooni la’aan aan isku arkay

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa wiil iyo gabar inuusan ka dhexeynin xiriir guur aan ku salaysanayn, haddii qof xiriir kula sameeyo hadafkaaga guur ha ahaado haddii kale iskaga fogow, waayo ma jirto wax la yiraahdo saaxiibtinnimo oo ka dhexaysa nin iyo naag ajaanib kala ah.

Xaaladda ku haysata waxay u noqon kartaa kalsooni darada xagga xiriirka aad la samaynayso ninka oo aad ka baqayso inaadan gaarin danta aad leedahay.

Marka waxaa lagaa rabaa inaad ogaato nolosha adduunka inay u baahan tahay xasilooni iyo deganaan taasna waxaad ka helaysaa diinta islaamka, marka aad ku dhaqanto mana aha dhaqanka la sheegayo mid afka ah, waa inaad aamintaa Alle inuu isaga kaliya kuu sahli karo amuurahaaga guurka iyo mustaqbalka, teeda kale waxaa la rabaa in miisaan kuu degsanaado kaasoo ah qofka aad rabto inaad nolol la wadaagto inuu ahaado nin wanaagsan oo qiimahaaga garanaya, maxaayeelay shakiga iyo cabsida waxaa laga yaabaa nin xun inaad ka dhaxashay oo isaga sabab u ah, marka xiriirka nimanka oo dhan aad shaki ka qaadday, maxaayeelay hal kaluun ayaa badda qurmuun ka dhiga.

Marka Ilaahay ku kalsoonow oo wixii naftaada iyo diintaada dhib u keenaya ka fogow salaadda ku dadaal iyo quraanka wax walba way kuu hagaagayaan inshaa Allaah.

Marka kalsooni la’aan waxay kuu keeni kartaa arrimo kale oo dhib ku gaarsiin kara.

 

Marku iguso dhacayo waswaska cabsi ayan dareema

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More