Maxaa carfiyo afka uraya

How to permanently remove bad breath

Maxaa carfiyo afka uraya

Qofka inuu ku dadaalo uduga afkiisa waa arrin lagama maarmaan ah, waayo qof kaste wuxuu ku qasban yahay dad kale inuu la dhaqmo, taas waxay keenaysaa inuu la hadlo, hadduu yahay qof afkiisa uraya dadka way nacayaan, waxaaba laga yaabaa in la aflagaadeeyo, taas marka sida laysaga ilaalin lahaa waa inuu qofka afkiisa carfiyaa.

Maxaa keena af urka?

Af urka siyaao badan ayuu ku imaan karaa, waxaa jira ur kasoo fula gudaha iyo ur kasoo fula afka laftiisa.
urka kasoo fula gudaha wuxuu u noqonayaa caabuq iyo mashaakil la xiriira caloosha iyo hungirimareenka, marka noocaas waxaa lagu daaweyn karaa in lays baaro oo la fiiriyo meesha uu ka jiro dhibka.
urka afka laftiisa kasoo fulo wuxuu ka dhalanayaa caabuqa cirridka, marka uu ciridka bukado waxaa loo yaqaanaa yirid, yiridka,  dhiig ayaa ka imaanayo dhiigaas wuxuu isu rogaa markuu ku daaho afka qurmuun, sidoo kale duleelada u dhexeeya ilkaha iyo ciridka marka ay cunto gasho iyaduna ur ayay keenaysaa, sidoo kale nadaafadda afka marka uu qofka yareeyo waxaa ka dhalanaya ur.

Maxaa carfiyo afka uraya
Maxaa carfiyo afka uraya

Sidee lagu carfin karaa afka?

Qofka waa inuu ku dadaalaa cadeyga mar walba, mar kaste uu weysaysanayo waa inuu nadiifiyaa afkiisa, sidoo kale wuxuu ku dhaqi karaa khal iyo liin dhanaan mararka qaar milix (cusbo) ayuu ku daraa, kuwaas waxay ka nadiifiyaan ciridka wasakhda gasha.

Waxaa kale uu sameynayaa geedka naacnaac loo yaqaano inuu shaaha ku darsado, sidoo kale dhegeyaraha, sidoo kale looska waxaa lagu carfiyaa afka.

Caanaha garoorka waxay ka mid yihiin waxyaalaha afka carfiya.
waxaa la sheegay in xitaa urka gudaha ay wax u taraan
Shaaha cagaarka isaga aad buu ugu roon yahay afka uraya

inuu iska ilaaliyo qofka basasha iyo toonta ceerinka ah, waayo urka afka ayay siyaadiyaan inkastoo iyaga si fudud loo baabi’in karo

sigaarka iyo tubaakada in laga fogaado waayo afka ayay qurun ka dhigayaan

in la calaanjiyo xanjo aan sokor lahayn waliba waxaa aad u fiicaan luubaanta la shito, waayo afka ayay candhuuf badan u keenaysaa taasoo nadiifinayso afka kana suulinayso qurmunka.

afka mar kaste inuu qoyaan ahaado , taasna waxaa lagu keeni karaa qofka mar kaste inuu biyo wax yar xataa cabbo.

 

Dhiiga ilkaha subaxdii iyo af-urka maxaa daawo u ah

Ciridka barara ee yiridka sidee loo daawayn karaa

 

The smell of mouth can come in many ways in the mouth, there is a smell that comes from inside and a smell from the mouth itself.
The odor that carries out the inside becomes an infection and a problem related to the stomach and hunger, when this type can be treated by examining and looking at the location of the problem.
The odor of the mouth itself is caused by the infection of the gums, when the gums are sick it is called gums, the gums, blood comes from that blood turns when it is late in the mouth of the gums, as well as the holes between the teeth and the gums when it enters the food and it causes it to smell, as well as the hygiene of the mouth when the person reduces it causes odor.

The person should always strive for whitening, whenever he is not, he should clean his mouth, and he can also wash it with vinegar and lemon juice and sometimes add salt, which will cleanse the dirt from the dirt.

It also makes a nana’a plant known to add tea, as well as the ear, and the loos are also perfumed in the mouth.

Garoorka milk is one of the things that sings the mouth.
it is said that even the smell of the inside is helpful
Green tea is very good for the mouth that smells

to avoid onions and misty garlic, for they increase the odor of the mouth, although they can be easily eliminated.

to avoid smoking and tobacco because they make the mouth a nation

It is very good to chew gums without sugar, for it causes a lot of saliva in the mouth, which cleanses the mouth and cleanses the stomach.

Always keep the mouth hydrated, and this can be caused by the person to drink even a little water.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More