Macalinka jaamacada oo aad iiga weyn ayaan jeclahay ila taliya

Macalinka jaamacada oo aad iiga weyn ayaan jeclahay ila taliya

Su’aasha:

asc walaalayaal dhib ayaa i haysta waxan jeclaaday nin aad iiga weyn wuxuu iga weyn yahay ku dhawaad 15 sano oo kale si daran ayaan u jeclahay anigana hada ayaan ardayad ahay oo jaamacad dhigata, ninkaas waa macalinka jaamcada ii dhigo maskaxdayda kama baxo mana awoodo inaad u sheego ehelkayga maxaan sameeyaa ila taliya aad yaan u warersanahay..

Macalinka jaamacada oo aad iiga weyn ayaan jeclahay ila taliya
Macalinka jaamacada oo aad iiga weyn ayaan jeclahay ila taliya

Jawaabta:

Jacaylka aad sheegayso waa jacaylka dhalinyarada ku dhaco waa jacayl hawo ah waa jacayl ka helitaan, xataa haddii ninkaas uu ku guursado waxaa laga yaabaa inaad muddo kadib nacdo oo aad is weyddiiso sideen ku jeclaaday !?, way dhacdaa gabdhaha ardayda inay jeclaadaan macalinkooda aad bay u dhacdaa waxaana u badan gabdhaha da’da yar oo jacaylka seef laboodka ku dhaco.

Waxaan kula talin lahaa inaad ka fogaato jacaylkaas, waayo jaamacadda waxaad u tagtay inaad wax ka barato ee umaadan tagin inaad nin ka ugaarsato niyaddaada ka saar wax jacayl la dhaho ku dadaal waxbarashada iska ilaali inay macallimiinta qaar ku siraan oo ay markaas qalad kugu ridaan, illeen dadka aad bay u kala duwan yihiinee, iska ilaali inaad u tagto macalinka oo aad si gaar ula sheekaysato iska illow, waxaad hali kartaa nin da’ ahaan kuu dhow oo mustaqbal fiican aad la sameyn karto, marka aad is guursataanna jacayl dhab aad ka heli doonto.

Waxaa kaloo aad ogaataa nin marka adiga kaliya aad jeclaato isagana nolol ahaan kaa fog sida macallinka oo kale oo xaas leh nolol kale ay u dhisan tahay, marka aad ku qasabto guur wuxuu kuu arkaa qof dan wadato kuma qiimaynayo marka taas ka fikir, goorta aad dhabta ogaato jacaylka beenta aad u hayso asaa burburi doono, niyaddana way kuu qaboobi doontaa.

Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay

The love you are talking about is the love that happens to young people, it is love in the air, it is love that is found, even if that man marries you, you may hate him after a while and ask yourself how did I fall in love with you!?, it happens that female students love their teacher very much It happens mostly to young girls who fall in love with a double sword. I would advise you to stay away from that love, because you went to university to learn, not to hunt for a man, get rid of anything that says love, do your best in your studies, and avoid some teachers telling you that they will blame you. people are very different, avoid going to the teacher and talking to him in private forget it, you can find a man who is close to your age and you can make a good future with him, when you get married you will find true love. . You also know a man when you only love him and he is far from you in life like a teacher who has a wife who has another life, when you force him to marry he sees you as someone who cares and he doesn’t value you when you think about it. Know that your false love will destroy you and your heart will cool down.

 

Riyada macalinka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More