Site icon Daruur درور

Hilibka geela waxa uu u taro jirka

Hilibka geela waxa uu u taro jirka

Hilibka geela wuxuu leeyahay burutiin badan, sidoo kale waxaa laga helaa macdanta birta iyo vitamin C, xitaa dhankan wuu kaga badiyaa hilibka idaha iyo hilibka lo’da.
sidoo kale wuxuu leeyahay vitamin E.

Hilibka geela subag badan ma laha ama baruur badan, wuxuu kaloo leeyahay Vitamin D iyo cusbo iyo macdanta jirka u roon.
waxaa la sheegay hilibka geela inuu la dagaallamo laabjeexa iyo cadaadiska dhiigga kacsan, sidoo kale wuxuu u fiican yahay sanbabka wuxuuna xoojiyaa murqaha jirka.

Hilibka geela waxa uu u taro jirka
Hilibka geela waxa uu u taro jirka

hilibka geela ma dhibo wadnaha iyo dhiigmareennada jirka, waayo malaha dufin badan.
sidoo kale daraasooyin badan waxay sheegeen inuu la dagaallamo cudurka kansarka.
sidoo kale dadka raba inay is caateeyaan waxaa ku fiican hilibka geela. laakin dadka rabo inay naaxaan ama ay buurtaan waxaa ku habboon inaysan badsanin hilib geel.

 

Hilib geel dhib ma leeyahay?

Aqoonyahanno ayaa ku ogaaday daraasad hilibka geela inuu hal dhib leeyahay, kaasoo ah wuxuu xoojiyaa oo kor u qaadaa neerfayaasha jirka taasoo keenaysa qofka inuu si dhaqsi ku xanaaqo oo uu noqdo qof aan aadkaysan karin sabarna lahayn.
sidoo kale waxaa la sheegaa dabciga geela inuu yahay xiqdi iyo madax-adayg qofka badsado hilibka geela wuxuu ka dhaxlaa madax-adayg iyo kibir iyo xiqdi.

sida la ogyahay waxay amartay diinta islaamka sida madaahibta qaar ay qabaan  in laga weysaysto hilibka geela, sida xadiis saxiix ah kusoo arooray.
Hilibka geela waxaa la sheegay inuu xoojiyo awoodda galmada, sidoo kale inuu kacsiga siyaadiyo, wuxuu adkeeyaa xubinta taranka raga sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka aqoonta u leh arrimaha raaxada guurka ama raaxada sariirta.

Hilibka geela daraasooyin badan ayaa laga sameeyay oo badan.

وجد الخبراء في دراسة أن لحم الإبل لديه مشكلة واحدة ،

وهي أنه يقوي ويعزز أعصاب الجسم ، مما يجعل الشخص يغضب بسرعة ويصبح غير واعوج ومتهور.
ويقال أيضا أن طبيعة الإبل هي ضغينة وعناد، فالشخص الذي يزيد من لحوم الإبل يرث العناد والكبرياء والكراهية.

يقال إن لحم الإبل يعزز القوة الجنسية ، وكذلك يزيد من الإثارة ،

ويشد الأعضاء التناسلية الذكرية وفقا لبعض الأشخاص المطلعين على قضايا المتعة الزوجية أو الراحة في السرير.

Hilibka dhaylada iyo caafimaadka iyo awoodda jirka

Exit mobile version