Hilibka geela waxa uu u taro jirka
Hilibka geela wuxuu leeyahay burutiin badan, sidoo kale waxaa laga helaa macdanta birta iyo vitamin C, xitaa dhankan wuu kaga badiyaa hilibka idaha iyo hilibka lo’da.
sidoo kale wuxuu leeyahay vitamin E.
Hilibka geela subag badan ma laha ama baruur badan, wuxuu kaloo leeyahay Vitamin D iyo cusbo iyo macdanta jirka u roon.
waxaa la sheegay hilibka geela inuu la dagaallamo laabjeexa iyo cadaadiska dhiigga kacsan, sidoo kale wuxuu u fiican yahay sanbabka wuxuuna xoojiyaa murqaha jirka.

hilibka geela ma dhibo wadnaha iyo dhiigmareennada jirka, waayo malaha dufin badan.
sidoo kale daraasooyin badan waxay sheegeen inuu la dagaallamo cudurka kansarka.
sidoo kale dadka raba inay is caateeyaan waxaa ku fiican hilibka geela. laakin dadka rabo inay naaxaan ama ay buurtaan waxaa ku habboon inaysan badsanin hilib geel.
Hilib geel dhib ma leeyahay?
Aqoonyahanno ayaa ku ogaaday daraasad hilibka geela inuu hal dhib leeyahay, kaasoo ah wuxuu xoojiyaa oo kor u qaadaa neerfayaasha jirka taasoo keenaysa qofka inuu si dhaqsi ku xanaaqo oo uu noqdo qof aan aadkaysan karin sabarna lahayn.
sidoo kale waxaa la sheegaa dabciga geela inuu yahay xiqdi iyo madax-adayg qofka badsado hilibka geela wuxuu ka dhaxlaa madax-adayg iyo kibir iyo xiqdi.
sida la ogyahay waxay amartay diinta islaamka sida madaahibta qaar ay qabaan in laga weysaysto hilibka geela, sida xadiis saxiix ah kusoo arooray.
Hilibka geela waxaa la sheegay inuu xoojiyo awoodda galmada, sidoo kale inuu kacsiga siyaadiyo, wuxuu adkeeyaa xubinta taranka raga sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka aqoonta u leh arrimaha raaxada guurka ama raaxada sariirta.
Hilibka geela daraasooyin badan ayaa laga sameeyay oo badan.
Hilibka dhaylada iyo caafimaadka iyo awoodda jirka
Camel meat is good for the body
Camel meat is rich in protein, and it is also found in iron and vitamin C, even better than sheep and beef in this regard.
It also has vitamin E.
Camel meat is not high in fat or saturated fat, and it also has Vitamin D and salt and minerals that are good for the body.
Camel meat is said to fight heartburn and high blood pressure, and is also good for the lungs and strengthens the muscles of the body.
Camel meat does not harm the heart and blood vessels, because it does not contain much fat.
Many studies have also said that it fights cancer.
Camel meat is also good for people who want to lose weight. But people who want to lose weight or gain weight should not eat too much camel meat.
Is camel meat harmful?
Scholars have discovered through research that camel meat has one problem, which is that it strengthens and increases the body’s nerves, which causes a person to get angry quickly and become impatient and impatient.
It is also said that the nature of the camel is stubborn and stubborn. A person who eats a lot of camel meat inherits stubbornness, pride and stubbornness.
As is known, Islam, according to some schools of thought, has ordered that camel meat be avoided, as reported in an authentic hadith.
Camel meat is said to strengthen sexual power, as well as increase arousal, and strengthen the male genitals, according to some people who are knowledgeable about marital pleasure or bed pleasure.
Many studies have been conducted on camel meat.
