Hilibka dhaylada iyo caafimaadka iyo awoodda jirka

Hilibka dhaylada iyo caafimaadka jirka

Hilibka dhaylada waxaa lagu tiriyaa hilibka ugu fiican oo qofka uu cuno, waxaa la sheegay inuu dhaqsi ku dhalaalo dheefshiidakaNA si sahlan ugu shiidmo.

Waxaa laga helaa awood aan lasoo koobi karin dhinaca caafimaadka jirka.

Qofkii mar kaste cunayo hilibkaas wuxuu noqonayaa qof aan duqoobin, jirkiisa isma badalayo sida la sheegay.

Neefka dhaylaha hilibkiisa wuxuu leeyahay vitamin ka xoog badan neefaha waaweyn oo da’da ah.

Hilibka dhaylada iyo caafimaadka iyo awoodda jirka
Hilibka dhaylada iyo caafimaadka iyo awoodda jirka

Webyada dhakhaatiirta wax badan ayay ka sheegeen hilibka dhalyaha:

 

  1. غنى بفيتامين ب، وهذا الفيتامين مهم  للطاقة في الجسم والتمثيل الغذائى
  2. طرى ويمكن امتصاصه بسهولة  عبر طريق الجهاز الهضمى
  3. يتميز بطعمه الممتاز ولونه الوردي  ولحمه الطرى
  4. مهم جدا لصحة من يعانى ارتفاع نسبة الكولسترول والسكر فى الدم
  5. سعرات حرارية منخفضة
  6. سهل الهضم عن طريق الجهاز الهضمي

 

  1. Wuxuu wataa Vitamin B wuxuuna u roon yahay awoodda iyo tabarta jirka iyo nafaqada cuntada
  2. Waa jilicsan yahay si sahlan ayuu dheefshiidka ku maraa
  3. Dhadhan fiican ayuu leeyahay iyo midab guduudan soo jiidasho leh iyo jileec
  4. Aad buu gu fiican yahay caafimaadka qofka  cholesterol hayo ama sokor qabo
  5. Wuxuu leeyahay Low calories
  6. Si fudud buu ku maraa dheeshidka

 

  1. Rich in Vitamin B, this vitamin is essential for energy and metabolism
  2. Soft and easily absorbed by the digestive system
  3. It is distinguished by its distinctive taste, red color, and tender meat
  4. Very important for the health of those who suffer from high levels of cholesterol and blood sugar
  5. Low calories
  6. Easily digestible by the digestive system

 

Hilibka dhaylada iyo caafimaadka
Hilibka dhaylada iyo caafimaadka

 

Qofka marka uu iska saxo cuntada oo uu ku dadaalo cunto tayo leh oo nadiif ah.

Wuxuu ka helayaa caafimaad aan lasoo koobi karin, cuntooyinka qaabka daran jirro ayay keenaan.

Waliba hilibka wuxuu ka mid yahay cuntada ugu fiican oo jirka uu nafaqo ka helo.

Qofka rabo inuu caafimaadkiisa ilaaliyo ha ku dadaalo hilibka waliba neefka dhaylaha ah waa hilib macaan oo naftu ay ka hesho.

Sidoo kale ma aha hilibka in layska badiyo oo kaligiisa la cuno waxaa fiican in lagu cuno bariis ama baasto ama soor ama rooti ama muufo.

Waliba waxaa la rabaa khudaar in lala cuno sioo kale waa in cabitaan lagu cabo sida caano ama furuud.

Markaas ayaa laga helayaa waxyaalaha fiican oo uu wato.

Marka hilibka kaligiisa la cuno waxaa laga qaadayaa calool xanuun.

Waxaa ugu fiican hilibka idaha waana caafimaad qofka wuxuu ka daaweeyaa jirrooyin aan lasoo koobi karin.

Waxaa laysku daaweeyaa barida idaha, waxaa lagu tiriyaa badhida idaha saliida ugu caafimaadka badan oo jirka u roon.

Jirka waxay ka saartaa sunta ku jirto.

Neef dhalyo yar oo shiilan
Neef dhalyo yar oo shiilan

Hilbaha geelka ama lo’da isagana wuu ka fiican yahay midka aan dhaylada ahayn mar kaste waxaa fiican midka dhaylaha ah.

Waxaa jiro xadiis kusoo arooray hilibka dhabarka inuu yahay mid ugu fiican waa kanaa xadiiska:

 

 

(أُتِيَ رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ بلَحمٍ ، فجعلَ القومُ يُلَقُّونَهُ اللَّحمَ ، فقالَ رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ : إنَّ أطيبَ اللَّحمِ لَحمُ الظَّهرِ)

(Waxaa loo keenay rasuulkii Alle (SCW) hilib dadkii waxay bilaabeen inay u dhiibaan wuxuu yiri rasuulkii Alle (SCW): (hilibka ugu fiican waa hilibka dhabarka)

Xadiiska waxaa wariyay imaam Axmed waana  xadiis xasan ah.

Diinta islaamka qofka muslinka way u oggoshay inuu cuno cunto fiican waajib kuma aha inuu ka fogaado cuntada macaan.

Wuxuu yiri Alle:

(قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ ‎﴿

(Dheh yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga Rizqiga ag, dheh waxaa iska leh kuwa Rumeeyay Nolosha Adduunyo Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga Ciddii wax Og)

Hilibka dhaylada shiilan
Hilibka dhaylada shiilan

Hilibka shiilan iyo Saliida ayaa i dhibta maxaa keeni kara

Waxtarka caafimaad laga helo wadnaha idaha

 

Hilibka dhaylada wax badan ayaa laga helaa oo la dhihi karo caafimaadka guud ee jirka ayuu u roon yahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More