Waxtarka caafimaad laga helo wadnaha idaha
Su’aasha:
scw waan idin salamay bahda daruur waxan rabaa inaan ogaado waxtarka laga helo wadnaha idaha,
somalida waxay dhahaan idaha waa daawo, marka wadnaha idaha ma daawo baa oo
qofka haduu cuno muxuu ka helaa oo waxtar ah xaga caafimaadka.

Jawaabta:
Wadnaha idaha waxaa lagu tiriyaa cuntoooyinka ugu qiimaha badan dunida wuxuu leeyahay burutiin badan oo jirka wax weyn u qabanaya.
Wadnaha idaha wuxuu kaalin weyn ka qaataa dhismaha jirka wuxuu kaloo koriyaa murqaha jirka.
Laakin waxaad ogaataa inuu keeno dhib marka layska badiyo, marka hore dheefshiidka aad buu ugu dahaa dhaqsi kuma shiidmo,
sidoo kale wuxuu wataa dufin oo dhib keeni karta marka ay jirka ku badato, siiba dadka da’da ah.
Wuxuu kaloo wataa Uric acid oo hadduu jirka ku bato wuxuu keenayaa cudurka loo yaqaano Gout
carabiga waxaa la dhahaa نقرس waa cudur ku dhaca kalabaxa suulka lugta ilaa kalabaxyada jirka soo gaara oo xanuun daran leh.
Dadka soomaaliyeed inta badan ma cunaan wadnaha xoolaha waxay aaminsan yihiin inaan la cunin laakin dunida waa laga cunaa.
Hilibka idaha vitamiinada laga helo iyo qaabka ugu fiican loo kariyo
Sheep heart is considered one of the most valuable foods in the world, it has a lot of protein that does a lot for the body.
Sheep heart plays a major role in building the body and also builds muscle.
But you know that it causes problems when consumed in excess, first of all,
it is very slow to digest, and it also contains fat that can cause problems when it increases in the body, especially in older people.
It also contains uric acid, which if it increases in the body, causes a disease known as Gout.
In Arabic, it is called نقرس, which is a disease that occurs in the big toe to the joints of the body and is very painful.
Somali people do not usually eat animal hearts, they believe that they should not be eaten, but they are eaten around the world.
