Bikro waa maxay toliinka fircooniga ma bikaaro baa

Bikro waa maxay toliinka fircooniga ma bikaaro baa

Soomaalida dhaqan ayay leeyihiin oo qaab kale ah, dhaqankaas dalalka qaarkooda ayaa la wadaago waa gudniinka fircooniga.

Gabadhaha si xun inta loo gudo ayaa la tolayaa waxaa la xirayaa duleelka cambarka oo dhan wax yar ay ka kaadiso ama dhiigga caadada kasoo baxayo ayaa loo furayaa, waxay aaminsan yihiin bikaarada sidaas inay tahay.

Bikro waa maxay toliinka fircooniga ma bikaaro baa
Bikro waa maxay toliinka fircooniga ma bikaaro baa

waxaa laga yaabaa gabadha inay suuqa gasho oo ay bikra jabto mar kale in la tolo oo loo xiro sidii hore oo kale, ninka guursanayo wuxuu u haystaa inay bikro tahay wuxuu la maraya rafaad bikaaradeeda asoo u malaynayo naag waligeeda aan la taabanin inuu helay.

bikrada taas ma aha  ee  waa maxay bikaarada gabadha?

Bikaarada waa xuub xinjirta dhiiga oo kale ah ku daboolan boqa siilka gabadha kana hooseeya duleelka kaadida, shaqo kuma laha toliinka gudniinka ficooniga, bikaarada waxay ku jirtaa gudaha waa xirmo dabiici ah oo Ilaahay ugu talaggalay, waxayna tilmaamaysaa dhowrsanaanta gabadha,  waa farqiga u dheexya gabadha iyo garoobta, waa calaamadda xishoodka iyo gabarnimada.

bikradaas waxay jabaysaa marka naagta nin u galmoodo ama wax adag laga galiyo boqa cambarka inta badan dhiig ayay soo deysaa markay jabto bikrada.

waligaaga ha u malaynin bikrada inay tahay mid ku taallo bannaanka cambarka gabadha.

naagaha aan la gudin ama kuwa sunada loo guday waa la arki karaa bikradooda, laakin naagta fircooniga loo guday toliin ayaa lagu daboolay meesha, labada faruur inta laga jaray ayaa laysku tolay marka bikrada hoos ayay gashay.

naagaha si xunka loo guday xanuun ayay dareemaan marka dhiigga ku dhaco illeen meesha ayaa xiran, si dhib ayuu uga soo baxaa dhiiga caadada,  marka galmadana xanuun ayay dareemaan, xanuunka galmada waxaa la sheegay inuu ku badan yahay dumarka fircooniga u gudan, meelaha la jaray waxay leeyihiin xidido yaryar oo dareenka gudbiya marka naagta laga jaro kacsi yari ayaa ku dhacayso, haddii naagta aysan kacsanin dhacaan kama imaanayo oo sahal ka dhigayo galmada iyo raaxada ay u baahan tahay, sidaa awgeed hablaha firconiga qalayl ayay ka sheegtaan taas waxaa keenaysa dhibaatada iyo dhaawacyada faruuraha cambarka oo la jarjaray.

dhakhaatiirta waxay isku xiraan gudniinka firconiga iyo dhibaatooyinka dhalmada haweenka.

dumarka dhalmada dhibka la maro waxay u badan yihiin kuwa sida xun u gudan.

Dadka dhaqankan keenay oo ah gudniinka fircooniga waxay aaminsan yihiin  inuu yareynayo sinada ama gabarta inay galmo xaaraan ku dhacdo.

fikraddaas sax ma aha, naagta waxaa lagu hagi karaa diin iyo akhlaaq immisa naag oo fircooni u gudan haddana dhilo ah oo tunto, immisa haween oo dareen leh haddan aan xumaan ku dhicin, marka waxaa muhimsan diinta in lagu tarbiyeeyo gabadha si ay u noqoto gabar is ilaalin karto, oo Ilaahay ka baqayso xumaantana ka fogaanayso

Toliinka fircooniga dhibaatooyin badan ayuu leeyahay.

 

Siigada Dumarka Laga Maqan Yahay Dhib Ma U Keentaa

Cudurrada Siigada Dumarka Ay Leedahay

Bikro waa maxay toliinka fircooniga ma bikaaro baa
Bikro waa maxay toliinka fircooniga ma bikaaro baa

The psychological and physical pains that affect the virgin girl

Somalis have a different culture, this culture is shared in some countries, it is female circumcision.

Girls are badly circumcised, the entire opening of the vagina is sewn shut, and a little urine or menstrual blood is left open, they believe that this is how virgins are.

The girl may go to the market and break her virginity, but she is sewn back and closed as before, the man who is marrying her thinks she is a virgin and goes through the suffering of her virginity, thinking that he has found a woman who has never been touched.

Isn’t that virginity, what is the virginity of the girl?

The hymen is a blood-clotting membrane that covers the opening of a woman’s vagina below the urethra. It has nothing to do with the sutures of female circumcision. The hymen is inside, it is a natural seal that God intended for her. It indicates the chastity of a woman. It is the difference between a woman and a prostitute. It is a sign of modesty and virginity.

This hymen breaks when a woman has sex with a man or something hard is inserted into the opening of the vagina. It usually bleeds when the hymen is broken.

Never think of the hymen as being located outside the vagina.

Uncircumcised women or those who have been circumcised can see their hymen, but a woman who has been circumcised has a suture covering the area, the two labia that were cut off are sewn together when the hymen is inserted.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More