Anoo sooman hadaan gabar video call ugu raaxeeyo soonkeyga ma iga buray

Su’aasha:

Walaal anoo sooman hadaan gabar video call ugu raaxeeyo saasna ku biyo boxo soonkeyga ma iga buray.

Anoo sooman hadaan gabar video call ugu raaxeeyo soonkeyga ma iga buray
Anoo sooman hadaan gabar video call ugu raaxeeyo soonkeyga ma iga buray

Jawaabta:

Qof soomaan oo fal dambi samaynayaa siiba dambi shahwo la xiriira waa arrin soonka ujeeddadiisa ka hor imaanaysa, qofkii naag kula raaxaysto video call  oo biyaha ay ka baxaan soonkiisa waa buray waxaana uu galay dambi foolxun oo ay waajib tahay inuu ka towbad keeno, qalad weyn ayuu diinta ka galay, soonka biyabaxa noocan ah waa ku buraa, waayo qofka raaxo ayuu naag la sameeyay sidaasna ayuu ku biyabaxay.

Sidoo kale waxna ma cuni karo waxna ma cabi karo ilaa laga gaaro maqribka maxaayeelay soonka xurmadiisa ayuu jabiyay.

Waxaana waajib ku ah inuu soo gudo maalintaas soonkeeda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More