Waxaan ahay qof ilko dheer qaarna ka maqan yihiin ila taliya

Su’aasha:

Waxaan Ahay Nin Ilko Dheer Qaarna Way i-Madhan Yihiin Dhoola-Cadeyn Waan Isdaynay Xitaa Dadka Wajigooda Ma Fiirin Karo Waayo Waxaan Ka-Cabsadaa Inay Igu Yihaahdiin ilko Dheere Xitaa Waxyaabo Badan Oon Samayn Lahaa Waxaa Iga Hortaagan Ilko Dheerida Sida Inaan Faraxsanaado Ama Dhoola-Cadeeyo Amaba Qoslo Hadaan Xidhan Lahaana Ma Haysto Qarashkii Aan Ku-Xidhan Lahaa Talo Izii Dr Mahadsanid

Waxaan ahay qof ilko dheer qaarna ka maqan yihiin ila taliya
Waxaan ahay qof ilko dheer qaarna ka maqan yihiin ila taliya

Jawaabta:

Marka hor waxaad ogaataa guud ahaan abuurka Alle inuusan ceeb ahayn, dadka soomaaliyeed waa dad asal ahaan badow ah, wax ceeb aan ahayn ayay ceeb ka dhigaan sida qof jiis oo kale ama qof tuu leh ama qof dhib ku dhacay iwm. wixii ceebta ahaana waa caadi sida shaxaadka oo kale, marka niyadda dhiso ha u arkin inay waxaas yihiin wax kaa reebayo farxadda, kuna dadaal inaad is daaweyso oo aad dhakhtar u tagto inshaa Allaah haddaad go’aan gaarto oo aad Alle talasaarato waad heli doontaa qarashka lagu toosinayo ilkaha, marka niyadda ha iska jabinin, qofka arrintaas kugu dhaleecaynayo isagaa dhaleeco socoto ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More