Dr murqahaygu si kasta aan u jimicsado ma noqdaan kuwa adkaada ee waa kuwa jilicsan markasta ee maxaa u xal ah dr adoo mahadsan.
Jawaabta:
Xubnaha adag jirka waxay u roon yihiin qofka marka uu jimicsi sameeyo uu adkeeyo calooshiisa aad bay ugu fiican tahay, waxay u roon tahay difaaca jirka haddii jug ay soo gaarto caloosha way ka difaaci karaan murqaha adag.
Marka waxaa laga yaabaa adiga inaadan samaynin sida ay ku imaan karaan murqaha.
Midda ugu horrayso lagu adkeyn karo murqaha caloosha iyo jirka waa cunto fiican inuu qofka cuno, cunto caafimaad leh oo ay qudaartu ku badan tahay, sidoo kale furuudka dabiiciga ah, siduu u helo vitamiino kala duwan oo isku dheellitiraya dhismaha jirka, sidoo kale inuu iska ilaaliyo cuntooyinka ay sokorta iyo cusbada ku badan yihiin, sidoo kale inuu iska yareeyo cuntada dufinta badan leh siiba waxyaalaha saliidda lagu dubay sidoo kale inuusan aad u cunin hilibka iyo caanaha.
Maarkuu jimicsi samaynayo inuu jirka oo dhan ka sameeyo socodka orodka iyo dabaasha shaqada badan iyo biraha culus inuu qaado dhammaan waxay qofka ugu kaalmaynayaan inuu noqdo qof leh murqo adag ama sigis back sida ay dhahaan dadka.
Laakin waxaa xun qofka inuu isku daldalo burutiinada badan oo la cabbo sidii jirka loo dhisi lahaa waayo taas waxaa laga yaabaa inay caafimaadkiisa dhibto, intuu sigis back raadinayo dhib ayuu u keeni karaa jirkiisa burutiinka la cabbo.