Badeecada in la qaaliyeeyo ama dadka lagu khiyaano
Waqtiyada abaarta ama marka uu dhib jiro ganacsatada qaar fursad ayay u arkaan inay dadka ku qaaliyeeyaan badeecada, way keydiyaan wax kaste si uu qaali u noqdo waliba xiliyada dagaalada, taas waa wax aad u foolxun oo diinta ay la dagaallantay, waxaa kusoo arooray aayado iyo axaadiis badan.
Badeecada in la qaaliyeeyo ama dadka lagu khiyaano
Diinta islaamka waxay fartay in laga fogaado qishka iyo ixtikaarka iyo daneysiga nooc walba ha ahaadee, wuxuu yiri Allaha sarreeya:
(Waxaa halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya * Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta) * Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya * Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin * Maalin wayn darteed (Qiyaamada) * Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka), wuxuu leeyahay Alle (SW) asoo ka hadlaya sayidkeena Shucayb (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):
(Qoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada hana ka nusqaaminina Dadka waxooda Dhulkana ha fasaadinina), wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):
(مَنْ غَشَّنَا فَلَيْسَ مِنَّا)
(Qofkii na qayaamo naga mid ma aha) wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):
(Iyo cunno la siiyo maalin gaajo * Agoon kuu dhaw * Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed)), wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):