Salaad subax qofka ay ka tagto labo rakco sunna oo duhurka kadib ma ka gudaan

Su’aasha:

Waxaan ahay quf salaada subax ka tagto mararka qaar marka ay iga tagto oo lagaaro dhuhurka ayaan markaad 4ta ragco ee dhuhurka dukado ayaan waxaan ku xijiyaa 2 rakco oo aan uniyeysanaayo salaadi saakey idhaaftey
Marka masameyn karaa sidaasi mise suno un ayaan dukadaa.

Salaad subax qofka ay ka tagto labo rakco sunna oo duhurka kadib ma ka gudaan
Salaad subax qofka ay ka tagto labo rakco sunna oo duhurka kadib ma ka gudaan

Jawaabta:

Waxaa qalad ah inaad sidaas mar kaste sameyso waxaan ula jeedaa qofka waa laga yaabaa mar mar inay sidaas ku dhacdo laakin mar kaste in salaadda subaxa aad waqtigeeda ka bixiso waa dambi, salaadda waa in la ilaaliyaa.

Haddii salaad ay kaa tagto waa  inaad soo guddaa marka aad hurdada ka kacdo ama aad soo xusuusato, labada rakcood aad sunnada leedahay salaad subaxa booskeeda ma istaagi karaan, salaadda subaxa waa inaad tukataa, arrintaasna iska ilaali inaad mar kale sameyso, dadka salaadda subaxa ka seexda ilaa duhurkii waa dad aan qiimaynin salaadaha, qofka saaladaha aan qiimayninna waa qof iimaankiisu daciif yahay, qofka muslinka sidaas uma dhaqmo, ku dadaal salaadaha guud ahaan, gaar ahaanna salaadda subaxa, Alle wuxuu yiri:

 

(أَقِمِ الصَّلَاةَ لِدُلُوكِ الشَّمْسِ إِلَىٰ غَسَقِ اللَّيْلِ وَقُرْآنَ الْفَجْرِ ۖ إِنَّ قُرْآنَ الْفَجْرِ كَانَ مَشْهُودًا)

(Oog salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) waabariga (subaxa) Quraanka waabariguna waa mid la Joogee (Malaa’igta)).

wuxuu yiri rasuulka:

 

(مَن صَلَّى البَرْدَيْنِ دَخَلَ الجَنَّةَ)

(qofkii tukado labada qabow jannada ayuu galayaa)

Waxaa laga wadaa labada qabow salaadda subax iyo salaadda casirka, waxaana sidaas loo la dhahay labada qabow waa xilli qofka ku raaxaysanayso hurada subaxa iyo hargalka duhurka.

Haddii aad soo qalaynayo salaadda kaa tagtay tuko iyada markaas tuko salaadda kale haddii meesha jamaaco aysan jirin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More