Qiso qofka xun sida loola dhaqmo ku tuseyso
Qiso yaab badan oo gaaban cibro xambaarsan,
maroodi ayaa duurka kasoo cararay.
waa la weyddiiyay waxaa lagu yiri maxaad uga soo carartay duurka?
wuxuu yiri: maxaayeelay libaaxa ayaa go’aansaday inuu dilo geri kaste oo duurka ku nool.
waxaa lagu yiri: adiga maroodi ayaad tahay geri ma tihid ee maxaa kugu dhacay?
wuxuu yiri: waan ogahay laakin libaaxa wuxuu arrintan mas’uul uga dhigay dameer.
murtida sheekada waxay tahay
Haddii dameero meel mas’uul looga dhigo meesha isaga carar nolol ma jiree