Niyad jabka sida loo daaweeyo

Niyad jabka sida loo daaweeyo

Su’aasha:

Walale waxan Ahay will Dalan yaro Ahh
Waxanaa qabaa xanun ladago Niyad jab
Waxaan Amiin sanahy inan waxbo qabsani kariin ee maxan sameyaa walalo isheg Adigo Rali eh.

Niyad jabka sida loo daaweeyo
Niyad jabka sida loo daaweeyo

Jawaabta:

Cudurka niyadjabka waa cudur nafsi ah, wuxuu la xiriiraa nafta aadanaha, qofka asoo awood leh ayuu aaminayaa inuusan wax taraynin, waa cudur halis ah oo qofka mustaqbala ka burburiya.

Waxaa ugu fiican lagu daaweyn karo waa kalsoonida in la xoojiyo, kalsoonida waxa ugu fiican lagu xoojiyo waa iimaanka Ilaahay iyo xuska rabbi iyo quraan akhriska, qofkii xarigga Alle qabsado lagama yaabo inuu hoogo ama dhib dareemo.

Teeda kale qofka inuu dhaqdhaqaaq sameeyo oo inuu isku mashquuliyo wax fiican socodkana badiyo, jirka marka lagu shaqeeyo wuxuu dareemayaa daal markaas hurdo ayaa kuu imaanayso, hurdada waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu fiican walwalka iyo niyadjabka iyo cabsida, waxaa kaloo la rabaa inaad la saaxiibto dad aad u wanaagsan oo hadallo dhiirrigalin ku hadlaya dad wanaag ku fara xumaantana kaa reebaya, inaad ka fikirto shaqo iyo waxqabsi iyo guur iyo inaad dhasho caruur oo aad mustaqbal fiican u samayso, waxaas oo dhan nafta ayay dhiirro siinayaan.

Waligaaga iska ilaali inaad keli noqoto kana fogow dambiyada iyo dadka xun xun oo niyada kaa jabinaya, dadka xaasidka ah, waayo dambiga wuxuu kaa burburinayaa kalsoonida qalbiga kugu jirto.

Marka niyad jabka waa cudur halis ah maskaxdana aan u roonayn.

 

Caajiska ruuxa uusan waxba qabsan karin ma cudur nafsi ahbaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More