Niyad jabka sida loo daaweeyo
Su’aasha:
Walale waxan Ahay will Dalan yaro Ahh
Waxanaa qabaa xanun ladago Niyad jab
Waxaan Amiin sanahy inan waxbo qabsani kariin ee maxan sameyaa walalo isheg Adigo Rali eh.

Jawaabta:
Cudurka niyadjabka waa cudur nafsi ah, wuxuu la xiriiraa nafta aadanaha, qofka asoo awood leh ayuu aaminayaa inuusan wax taraynin, waa cudur halis ah oo qofka mustaqbala ka burburiya.
Waxaa ugu fiican lagu daaweyn karo waa kalsoonida in la xoojiyo, kalsoonida waxa ugu fiican lagu xoojiyo waa iimaanka Ilaahay iyo xuska rabbi iyo quraan akhriska, qofkii xarigga Alle qabsado lagama yaabo inuu hoogo ama dhib dareemo.
Teeda kale qofka inuu dhaqdhaqaaq sameeyo oo inuu isku mashquuliyo wax fiican socodkana badiyo, jirka marka lagu shaqeeyo wuxuu dareemayaa daal markaas hurdo ayaa kuu imaanayso, hurdada waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu fiican walwalka iyo niyadjabka iyo cabsida, waxaa kaloo la rabaa inaad la saaxiibto dad aad u wanaagsan oo hadallo dhiirrigalin ku hadlaya dad wanaag ku fara xumaantana kaa reebaya, inaad ka fikirto shaqo iyo waxqabsi iyo guur iyo inaad dhasho caruur oo aad mustaqbal fiican u samayso, waxaas oo dhan nafta ayay dhiirro siinayaan.
Waligaaga iska ilaali inaad keli noqoto kana fogow dambiyada iyo dadka xun xun oo niyada kaa jabinaya, dadka xaasidka ah, waayo dambiga wuxuu kaa burburinayaa kalsoonida qalbiga kugu jirto.
Marka niyad jabka waa cudur halis ah maskaxdana aan u roonayn.
Caajiska ruuxa uusan waxba qabsan karin ma cudur nafsi ahbaa
Depression is a psychological disease, it is related to the human soul, a person who is powerful believes that he is useless, it is a serious disease that destroys a person’s future.
The best way to treat it is to strengthen confidence, the best way to strengthen confidence is to believe in God and remember God and read the Quran, a person who holds the rope of God is unlikely to feel sadness or trouble.
On the other hand, a person should exercise and keep himself busy with good things and walk a lot, when the body is worked, he feels tired, then sleep comes to you, sleep is one of the best things for anxiety and depression and fear, it is also necessary to befriend very good people who speak encouraging words and people who tell you good and prevent you from bad, to think about work and work and marriage and having children and making a good future, all of this gives courage to the soul.
Never be alone and stay away from crime and bad people who break your spirit, from envious people, because crime destroys the trust in your heart.
So depression is a serious disease and not good for the mind.
