Markaan xaaskayga u tagayo dareen ma lihi maxaa xal ah

Su’aasha:

Asc wll suaashayda waa aniga markaan xaaskayga u tagaayo oo aan xaajo na dhex marayso aniga dareen ma lihi mida kale markasta xaaskayga aniga oo aan xaaskayga ka dhargin ayaa katagaa maxaa xal ah.

Markaan xaaskayga u tagayo dareen ma lihi maxaa xal ah
Markaan xaaskayga u tagayo dareen ma lihi maxaa xal ah

Jawaabta:

Waxaa laga yaabaa in nafsiyaadkaaga ay dhibaato ka taagan tahay, feker iyo walwal inay jiraan ama inaad dareemayso kalsooni daro ama cabsi xaga galmada, qofka marka uu xaaskiisa u tagayo waa inuu diyaar u ahaadaa nafsi ahaan, marka inta aadan bilaabin galmada isku day inaad sheeko iyo istiin aad ka hormarsiiso, sidoo kale iyadana inaad kala sheekaysto sida ugu fiican ay jeceshay, wadahalka lammaanaha aad buu u fiican yahay, xiriirka sariirta ayuu saxayaa, dumarka waxay ka helaan hadalka macaan iyo dhaqanka naxariista leh, sidoo kale waxyaalaha dareenka tagsiiya waxaa ka mid ah daawashada filimada galmada iyo dumarka qaaqaawan.

Sidoo kale adeegso cuntooyinka qiimaha leh sida kalluunka iyo qudaarta iyo saliid seytuun iyo saliid macsado, haddaad heli karto geedka Giseng loo yaqaano cun waa geed dabiici ah oo aad ugu fiican raga, dareen xoog badan ayuu siiyaa, geedka ninkana wuu adkeeyaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More