Manida ninka markay jaale tahay maxaa jiro

Su’aasha:

Biyaha ninka markay yihiin kuwa leh midab jaale sida hargab adah oo kale maxaa la dhihi karaa ma dabici baa mise waxay tilmaamayaan in cudur jiro.

Manida ninka markay jaale tahay maxaa jiro
Manida ninka markay jaale tahay maxaa jiro

Jawaabta:

Biyaha ninka marka ay qofka ku daahaan waxay yeelanayaa midab booran oo cagaar xigo sida hargab adkaaday oo kale, taasna wax dhib ma laha haddii aysan jirin astaamo kale biyabaxa la socda sida biyaha markay soo baxayaan inuu xanuun jiro ama balbal dhib leh sida meel basbaas gaaray oo kale.

Qofka marka ay biyaha in badan ka baxaan biyaha cad ayay noqonayaan oo kahfiif ah waxay ku xiran tahay siday u baxayaan iyo inta jeer uu biyabaxayo, tusaale ahaan ninka marka uu galmo samaynayo oo biyaha ka baxaan marka koowaad waa biyo adag oo jeel ah, marka labaadna waa biyo cad oo adag oo ka yar kuwii hore biyaajada sedexaad biyaha way sii khafiifayaan waana sii yaraanayaan, dadkana taas way ku kala duwan yihiin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More