Kareemka Glysolid cudur ma keenaa

Su’aasha:

Asc wllow waxaan ahay wiil cad waxaan marsadaa golysolid ama gali saliin sida ay somaalidu u taqaan
Markaan marsado way i cadaynaysaa marka aan iska daayo xoogaa fil daro ayaa iga muuqanayso
Mid kle markasta waan markasadaa xili walba waxaana ahay nin gymka dhigto oo feer yahan ah marka maqaarkayga ma jilcin kartaa bajaq mayay iga dhigaysaa
Mida ma diyaano ayay noqon kartaa oo qof diyaano marsado dadka ma ii maleen karaan
Mida kle dadka dhan way marsadaan lkn iskuma badalaan oo waxay dhahaan wasaqda ayay jartaaa iyo qol faha
Mida ugu dambayso intaan marsado ayaan ku aal miiteeyaa
Hadaan iska daayana waxaan noqonayaa sidii yareen tayda fil daro wasaq boor
Hadaan marsado na stylka ii saxmaayo mahs alaah ayaa noqonayaa maalintii intee jeer ayaa mar san karaa
Ama isbuucii sonkorow malaga qaadaa galisiliinkaas.

Kareemka glysolid cudur ma keenaa
Kareemka glysolid cudur ma keenaa

Jawaabta:

Kareemka Glysolid waxaa loogu talaggalay in jirka lagu jilciyo oo lagu ifiyo, wuxuu wejiga ka qaadaa baraha madmadow, sidoo kale wuxuu ka qaadaa maqaarka qalaylka, wuxuu kaloo u roon yahay dildilaaca maqaarka wuxuu ka hortagaa kulaylka qorraxda saameyska uu ku yeesho maqaarka jirka, teeda kale wuxuu daawo u yahay cuncunka jirka, sidoo kale wuxuu daaweeyaa dhaawacyada xagashada maqaarka ama wejiga iyo gubashada.
Kareemka Glysolid waxaa dhici karto mararka qaarkooda inuu keeno fin, sidoo kale qofka hadduu marsado oo uusan iska dhaqin muddo dheer wuxuu usoo jiidaa bakteeriya, waxaa fiican qofka habeenkii inuu marsado subaxdiina uu dhaqo.

Waxaa la adeegsanaa maalintii hal mar waxaana fiican qofka habeenkii inuu marsado, intuusan marsanin waxaa la rabaa gacamaha inuu dhaqo oo qalajiyo, si fiican markuu u mariyo subaxdii inuu dhaqo.

Kareemka Glysolid shaqo kuma laha cudurka sokorowga.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More