Ila taliya mararka qaar waxaan damcaa inaa aduunka is kaga tago

Su’aasha:

Asc wll waxaan ahay wiil dhalin yaro ah 19 jir oo quryx badan wax kasta waan sameeyey ilaahay waan isku xiray dareenkayga waa saaid ilaa aan la xariiro gabar aan guursado mahaayo meel aan kakeenana mahaayo dhib wayn ayaa i haysto wlahi hadaan heli lahaa gabar wlahi aad ayaan u xifdin lahaa
Mida kle gabdhaha magaalada lama hadlo ma fiiriyo ma xiiseeyo lkn dareenka iga tan badan marar qaar waxaan damcaa inaa iska keeno shahwada aad ayaan urafaad sanahay cid iga war qabto malahan somalia jooga mararka qaar waxaan dacmaa inaa aduunka is kaga tago ama xiniinyaha iska saaro waayo waa ciil bilaadul muslim ayaa joogaa mida kle gabdhaha walidkooda mafiiriyaan qofka ehlu qayrka ah kliya waxay caabudaan lacagta marka adiga igama war qabtid waxaad iska leedahay sidaan waa qalad sidaan waa xaaran lkn holac ayaa ka shidan quluubtayda
Hadii ay dadka i arkayaan waxaan ka codsan lahaa in ay iigu duceeyaan labo mid
Tan koowaad in uu ilaahay isiiyo gabar aan ku dago
Ama ilaahay inuu i oofsado aniga ehlu qayr ah

Ila taliya mararka qaar waxaan dacmaa inaa aduunka is kaga tago
Ila taliya mararka qaar waxaan dacmaa inaa aduunka is kaga tago

Jawaabta:

Waxaad ogaataa marka hore adduunka inuu imtaxaan yahay, sidoo kale waxaad ogaataa Alle awooddiisa kaliya inay soconayso, qofkii boodo ama is dilo ama ooyo wax kama baddali karo Alle wixii uu doono.

Marka qofka muslinka ma aha inuu ka quusto naxariista Ilaahay, adiga waxaa lagaa rabaa inaad Alle baryisid, qofka ma aha inuu geeri tamaniyo sida axaadiista ay sheegeen.

Marka Alle baryi oo u dhowow ilaahay isagaa ku siin kara waxa aad rabto.

Dhibka aad sheeganayso kaligaaga kuma haysto waliba waxaa jira dad kaa dhib badan Ilaahay wuxuu ku siiyay caafimaad haddaad tagi lahayd isbitaalada waxaad ogaan lahayd waxa lagu siiyay inaan lacag lagu heli karin.

Waxaad arki lahayd dad kaadida  iyo saxarada laga qaadayo ama tuubo lagaga soo bixinayo adigana musqusha ayaad tagtaa adoo cowradaada la arkin waad soo gudataa xaajadaada, marka fiiri nimcooyinka uu Alle ku siiyay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More