Hilibka lo’da Soomaalida aad uma jecla sababtu waa maxay

Hilibka lo’da Soomaalida waxay ka aaminsan yihiin inuu jirro keeno

Hilibka lo’da faa’idooyin badan ayuu leeyahay, waxaa ka mid ah faa’idooyinkan soo socda:

Sokorta dhiigga ayuu mid toosan ka dhigaa sidoo kale dheefshiidka shaqadiisa ayuu habeeyaa.
Wuxuu kordhiyaa hilibka lo’da isdifaaca jirka taasoo keenaysa jirka inuu kahor tago jirrooyinka.
Sidoo kale unugyada jirka wuxuu ugu kaalmaynaa in dhaacayada ay dhaqsi ku bogsadaan.
Hilibka lo’da wuxuu aad ugu fiican yahay dareenka urista dadka.
Wadnaha ayuu u roon

yahay haddaan layska badinin.
Sidoo kale wuxuu yareeyaa walwalka iyo cabsida.
Wuxuu kaloo ka hortagaa cudurka kansarka.

Wuxuu kaloo ilaaliyaa ilkaha iyo lafaha

Hilibka lo'da Soomaalida aad uma jecla sababtu waa maxay
Hilibka lo’da Soomaalida aad uma jecla sababtu waa maxay

Soomaalida maxay ku naceen?

Soomaalida badankooda waa dad xoolo dhaqato ah, marka khibrad ayay u leeyihiin hilbaha iyo xoolaha waxa la xiriira, tijaabadana waxbaa lagu ogaadaa marka soomaalida kama helaan lo’da.

Aqoonyahanno badan ayaa ka digay marka layska badiyo.

Dhakhaatiirta aqoonta u leh cuntooyinka waxay sheegeen In haddii hilibka lo’da si xadkabax loo cuno inuu keenayo jirrooyin taasoo laga wado maalin kaste haddii la cuno ama muddo badan si is daba joog ah loo cuno.
maxaayeelay 100 garaam hilib lo’ wuxuu wataa 20 garaam oo burutiin ah.
qofkana maalintii jirkiisa wuxuu u baahan yahay 50 garaam keliya.
Hilibka lo’da hadduu bato wuxuu dhibaa beerka sidoo kale wuxuu keenayaa cudurka sokorta, sidoo kale wuxuu keenayaa jirrooyinka wadnaha ku dhaco dufibta badan uu wato awgeed.
sidoo kale haddii qofka uu u cuno qaab daran ama mid aan lagu kalsooneyn  ama neef jirran ama hilib isbaddalay wuxuu u keeni karaa calool xanuun iyo shuban.
sidoo kale marka aan si fiican loo karinin.
hilibka waxaa habboon in si fiican loo kariyo oo uu noqdo turtur.

 

Hilibka shiilan iyo Saliida ayaa i dhibta maxaa keeni kara

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More