Galmada dabada uur ma keentaa haddii shahwada lagu shubo

Abnormal intimate relationships between men and women and the possibility of pregnancy

Galmada dabada uur ma keentaa haddii shahwada lagu shubo

Su’aasha:

Walaalayaal waxan rabaa inaan ogaado haddii gabadhaha ninka dabada uga galmoodo yanci galmada dabada uu ku sameeyo oo uu ku shubo biyaha shahwada malaga yaabaa inay uur qaaddo, maxan maqlay wasmada futada uur way keeni kartaa meel ayaan ka akhiriyay dabada biyaha hadi lagu shubo ay gali karaan hore, siiba marka ay kasoo daataan meesha ama gadaal, marka taas maxaa la dhihi karaa.

Galmada dabada uur ma keentaa haddii shahwada lagu shubo
Galmada dabada uur ma keentaa haddii shahwada lagu shubo

Jawaabta:

Galmada dumarka marka dabada laga isticmaalo ma keento uur waayo ma aha dabada meel loogu talaggalay galmo, shahwada ninka marka ay gasho cambarka ama farjiga waxay u gudbaysaa ilmagaleenka, sidoo kale naagta iyaduna shahwo ayaa ka timaado marka labada shahwo ay isku darsamaan waxaa laga abuurayaan ilmo, marka futada ma aha meel sidaas ah, laakin waxaa dhici kara naagta marka biyaha lagaga shubo dabada inay kasoo daataan oo ay galaan farjiga, markaas way dhici kartaa inay uur sidaas ku qaaddo.

Sidoo kale waxaan u jeedinyaan hadalkan qofka su’aashan soo weyddiiyay waxaan leenahay: iska jir falalkan halista ah oo qaabka daran, dumarka dabada laga isticmaalo xumaantaas ayay u baranayaan waxaa laga yaabaa inay kala kulanto dhibaatooyin badan, sidoo kale jirrooyinka iyo cudurada si dhaqsi ayay uga dhashaan galmada dabada, haweenka noocaas barto kama hari karaan sheekada qaabkaas ah, waxay ku noqonaysaa balwad aysan iska joojin karin, iriintan wasa oo xun.

Teeda kale bulshada aad bay ugu faafayaan falalkan gabdhaha waxay u malaynayaan wax iska caadi ah, waxaa la rabaa in laga wacyi galiyo dadka, dumarka sheekadan jecel waa kuwa rogmay oo mustaqbalkooda burburay

 

 

Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay oo reebaya galmada gadaal waxaa ka mid ah:

(لايَسْتَحْيِي اللهُ من الحَقِّ ، لا يَسْتَحْيِي اللهُ من الحَقِّ ، لا تأتوا النساءَ في أَعْجَازِهِنَّ)

(أنَّ رجلًا سألَ النبيَّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّمَ عن إتيانِ النساءِ في أدبارِهنَّ أو إتيانِ الرجلِ امرأتَهُ في دُبُرِهَا فقال النبيُّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّمَ حلالٌ فلمَّا وَلَّى الرجلُ دعاهُ أو أمَرَ بهِ فدُعِيَ فقال كيفَ قلتَ في أيِّ الخُربَتَينِ، أو في أَيِّ الخَرَزَتَينِ، أو في أَيِّ الخَصْفَتَينِ أمن دبرِها في قُبُلِهَا فنعم أم من دبرِها في دبرِها فلا فإنَّ اللهَ لا يستحيى من الحقِّ لا تأتوا النساءَ في أدبارِهنَّ)

 

Cudurka laga qaado galmada gadaal ninka iyo naagtaba

Waasacnimada dabada xaaska ayaan ka shakiyay ila taliya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More