Yoga iyo caafimaad ma xiriir baa ka dhexeeya

Yoga exercises and physical and psychological health

Yogada sida la og yahay waa fal kasoo jeeda diinta Hinduusiga, gaalada ku nool addoonka aad bay ugu dadaalaan inay faafiyaan, dad badan ayaa laga dhaadhiciyay yogada inay tahay wax aad u fiican oo laga rabo qof kaste inuu sameeyo.

haddaba waa maxay yoga ma caafimaadka ayay wax u tartaa?

Yoogada ma aha kaliya jimicsi caadi ah, ee waxaa la socda fikir ruuxi ah, taasna waxay tusinaysaa inay salka ku hayso diin.

Astaaamaha lagu garto marka qofka wadnahu xanuunayo

Waxay ku leeyihiin: Yogada waxay u roon tahay caafimaadka siiba galmada ayay xoojisaa raga iyo dumarka tabarta u waayay raaxada galmada yoga hadday sameeyaan dareenkooda raaxada waa usoo noqonayaa.

hadalkan waa hadal sun ku jiro qofka intuu sameyn lahaa yoga muu jimicsi caadi sameeyo maalin walba, teeda kale qofka muslinka ah wuxuu haystaa wax yoga ka fiican 1000 jeer, wuxuu haystaa shan salaadood oo waajib ku ah inuu tukado maalin kaste, waxaa uu tukan karaa sunnooyin badan sidoo kale salaatulayl marka wuxuu sameynayaa dhaqdhaqaaq oo caafimaad u keenaya asoo ajar ka helaya illeen waajib ayuu gutee, marka yoga muxuu uga baahan yahay?.

in la dhaho yogada waxay u siyaadisaa ninka dareen galmo waa hadal dhagar ku jirto waxaan leenahay yogada ma aha jimicsi kaliya waa dhaqan salka ku haya diimaha hindiya ka jiray ee yaan lagaaga soo gabbanin xagga caafimaadka.

 

Waa maxay Yoga ma diinta Hinduusiga bay kasoo jeedaa

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More