Socodka badan waxtarka uu caafimaadka u leeyahay

Su’aasha:

Socodka Badan Waxtar Intee Leeg Ayuu Leeyahay, Taagnida Badan Iyo Fadhiga Badan Midkee U Daran Xaga Caafimaadka Midkeese Ufiican Xaga CAAFIMAADka

Socodka badan waxtarka uu caafimaadka u leeyahay
Socodka badan waxtarka uu caafimaadka u leeyahay

Jawaabta:

Socodka aad buu jirka ugu fiican yahay, qofka wuxuu ka helaa caafimaad dhinac walba, fadhiga badan qofka jirrooyin badan ayuu ka qaadaa, farqi ayaa u dhexeeya taagnida badan iyo socodka, waxaa ka fiican socodka, taagnida badan qofka hadduusan soconaynin dhibaatooyin badan ayay u keenaysaa siiba xagga xididaha lugaha, laakin socodka qofka jirkiisa wuu shaqaynayaa, socodka wuxuu kaloo u roon yahay wadnaha iyo sanbabada.

Markaan kuusoo koobo faa’idooyinka socodka:

  1. Wuxuu yareeyaa qalqalka iyo niyadjabka.
  2. Kalabaxyada lafaha ayuu hagaajiyaa murqahanaha wuu xoojiyaa.
  3. Miisaanka jirka ayuu yareeyaa.
  4. Wuxuu yareeyaa kolistaroolka dhiigga (Cholesterol) ee jirka.
  5. Lafaha ayuu adkeeyaa.
  6. Dhiiga ayuu shaqeysiiyaa.
  7. Baruurta ayuu gubaa.

Walking is very good for the body, it provides health in all aspects, sitting a lot makes a person more susceptible to many diseases, there is a difference between standing a lot and walking, walking is better, standing a lot if a person does not walk causes many problems, especially in the veins of the legs, but walking keeps the person’s body active, walking is also good for the heart and lungs.

Let me summarize the benefits of walking:
It reduces anxiety and depression.
It improves bone joints and strengthens muscles.
It reduces body weight.
It reduces blood cholesterol in the body.
It strengthens bones.
It improves blood circulation.
It burns fat.

Leave a Reply