Waxa lagu daaweeyo illowga iyo shakiga iyo malaha xun

Su’aasha:

Asc wll wad mahadsantihn bahda daruur media inta kadib wllo dhib iheysto inad igala talisan raba wllo waxn u bahany waxn umaleynaya xanun nafsiyan ah inu ihayo wllo ilawshiiyo xad dhaafa waxba ma xasuusan karo ha ugu yarado cadeygeyga melan dhigan garanwayaya

2. shaki xad dhaafa qofkaste waxn umaleynaya inu ixasidayo ama inu cadow iyahay

3. salada waxn is odhanaya rakcadbad ka tagtey mise kamad tagin lagayaba inan ka tagay lkin markaste tuhun xaga salada bila khushuuc wan iskudaya inan kushuuco se ma awoido salada madhameysankaro khushuuc
4 . wan karahsanaya dadka inan bulashada dhexgalo ma jecli marabo melaha leyskugu imado iyo inan dad cusub barto
5. fudeyd badan degdeg fara badan
6. qofban isku dhaceyna waxn doono dhahaya hadhow ayan hadana ka qoomameymaya marka waxa sameynayo waxa wan ku qanasanay hadana wan ka qoomameynaya
7. adkaarta subixii iyo casarki adbay igu adagtey markan bilabo inan akhriyo ano wada waxkle ku mashquulaya siba suratul falaq wey igu adagtey inan xasuusto inan aqriyo
8. markan guriga ka baxo waxn darema nafis melaha kle tago ayan ku nafisa culays ayan daremaa marka gurigayga jooogo
9. dadkii ayan isku wada dhacney is dagalnay ila heer an cidlo daremo waxakle jecelahy inan kali qolkeyga jogo cid kle igu labeyn
10 . malaha xun oon kantaroli karin markaste niyada hadal xun wanagsaneyn ayaa niyada iga wareeriyey
Wll wixi talo ah isiiya mahadsanidin.

Waxa lagu daaweeyo illowga iyo shakiga iyo malaha xun
Waxa lagu daaweeyo illowga iyo shakiga iyo malaha xun

Jawaabta:

Runtii waxaa ku haya arrimo dhamaan wada cudur nafsi ah, midba maidda kale ayay ka adag tahay, waxaan kula talinayaa bog cusub inaad furato oo aad iska illowdo wixii tagay, aad kasoo qaaddo inaad nolol cusub bilaabanayso ama hadda aad dhalatay, waxaad samaysanaysaa jadwal ama timetable oo aad ku soconayso, quraanka maalin kaste ayaad akhrinaysaa salaadda waqtigeeda ayaad ku tukanaysaa, gabdhaha  wanaagsan sharafta leh ayaad la saaxiibaysaa, kalinimada ayaad iska ilaalinaysaa maxaayeelay feker ayay kuu keenaysaa, waxaad la dagaallmaysaa wax kaste xun oo niyadda kaa qasaya, waxaad ogaanaysaa waxaas oo dhan inuu yahay waswaas shaydaan, inshaa Allaah isbadal weyn ayaad dareemi doontaa marka aad sidaa samayso.

Waxaa kaloo dhici karta waxaas inuu keenay sixir ama il dadeed, Quraanka Kariimka marka aad ku dadaasho waxaas way tirtirmayaan inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More