Waswaaska shaki iga galinaya anbiyada iyo diinta

Su’aasha:

Waxan bilahan isku arkay waxyalo badan OO aad ufool xun nabiga scw iyo ambiyada kale nabad galyo iyo naxariis korkoda ha ahaate taso shaki badan igu dhalisay mararka qaar waxaan kashakiya inan kuhadlo marna waxaan is arka anigo ambiyada iyo allaha uxanaqsan OO wixi kuhadli rabo khasatan markan salaada kujiro ama aan masajidka joogo iyo dhageysiga quraanka vs muradarooyinka hadana Soonka wixii wa saiid Soonka aya qalqal badan igagalay marka Soonka wax ma udibayan barakallahu fiikum inaso duceyo in Allah iga dulqado.

Waswaaska shaki iga galinaya anbiyada iyo diinta
Waswaaska shaki iga galinaya anbiyada iyo diinta

Jawaabta:

Walaal waswaaskaas waa midka shaydaanka, wuxuu soo weeraraa qofka iimaanka leh, marka kaliya Ilaahay ka magangal oo shaydaanka iska naar waxba kaama dhibayo waa daciif shaydaanka, kaliya niyadjab ayuu kugu ridayaa wuxuu rabaa inaad rumayso waswaaska beenta ah.

In badan ayaan kasoo hadalnay waswaaska marka webka ka raadi faahfaahin dheeraad ayaad ka helaysaa noocyada waswaaska iyo sida loo reebo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More