Fasirka riyada maroodiga

Su’aasha: scw maxaa lagu fasiraa maroodiga marka riyo lagu arko? Jawaabta: Maroodiga guud ahaan wuxuu tilmaamaa marka lagu riyoodo waxyaalo badan oo kala duwan waxay ku xran tahay xaaladda lagu arko, wuxuu tilmaamaa qof madax ah awood leh, sidoo kale nin madax adag oo kibir badan, wuxuu tilmaami karaa naag aad u buuran.
Riyada maroodiga meel doog ah jooga

Su’aasha: scw riyada maroodiga oo duurka joogo meel aad doog u ah oo buuro leh maxay noqon kartaa wuxuu taagan yahay meel fog oo geedo badan leh meeshana waa meel aad u qurux badan qofkana farxad ayuu dareemayaa. Jawaabta: Riyada maroodiga waa riyo guud ahaan barwaaqo tusinaysa, qofkii ku riyoodo maroodi wuxuu helayaa nolol dheeraad […]
