Site icon Daruur درور

Soomaali hal shay ayay ku toosi kartaa ma og tahay?

Dagaal sokeeyaha 1991 waa lawada ogyahay meesha uu soomaali ku riday.

haddana waxaa la rabaa mid la mid ah inuu dhaco.

taasna waa qorshe ay dageen dalal badan oo raba magaca soomaali in la tirtiro.

qorshahaas waxaa fulinaya dad badan oo soomaali kor ka ah hoosna shisheeye ka ah.

Soomaali hal shay ayay ku toosi kartaa ma og tahay
Soomaali hal shay ayay ku toosi kartaa ma og tahay

dadkaas ma rabaan in soomaalida ay ku noolaadaan dalkooda oo amaan u ah.

dadkaas waxay wataan shaatiyaal badan oo kala duwan, hal meelna waa laga hagayaa shabaab ha noqdaan ama siyaasiyiin ha noqdaan.

Dadkaas waxaa laga hagaa adduunka meelo badan, dhamaan waa shaqaaleyaal oo liita, oo dhuuntooda u shaqaysta oo aan fahansanayn dowladnimo waxa laga wado.

mid wuxuu sheeganayaa diin midna siyaasad midna ganacsate, laakin waa hal shay oo leh dhowr weji.

 

 

marxalooyin badan ayay soo martay siyaasadda dalka soomaaliya.

laakin waxaan macquul ahayn ummad oo dhan in laga waayo qof toosan.

mid  kaste madaxda ka mid ah wuxuu wataa baasaboor  ajnabi.

tolow talaggal miyaa?

yaa isweyddiiyay su’aashan?

qof noocan oo kale ah maxaa laga filayaa inuu u qabto dadka iyo dalkan .

The Great Somali Revolution

dhibkan raagay waxaa looga bixi karaa in Ilaahay la talasaarto oo hal mar shacabka oo dhan isku duubmaan iyagoo ka fogaadey qabyaalad iyo dan gaar ah, oo ay ka dhigtaan  diinta islaamka waddada hagi lahayd mustaqbalkooda oo  hal mar kacdoon ballaaran wada kiciyaan oo dhammaan madaxda iyo siyaasiyiinta wada qabqabtaan nin kaste uu gacanta kusoo dhigo kii u dhowaa, markaas maxkamad cadaalad leh soo saaraan. xilligaas ayaa laga yaabaa in dalkeena hagaago, wasakhda waxay ku tagtaa nadaafad, soomaali nadaafad culus ayay u baahan tahay.

Exit mobile version