Qofkii dhar nijaas asoon ogeyn salaad ku tukada ma ansaxaysaa salaaddiisa

Su’aasha:

Asc Daruur.com ramadaan kariiim,, salaaddii duhur iyo casarba markaan tukaday kadib ayaan ogaaday in dharkaan xidhnaa qaar kamid ahi aanay daahir ahayn,, salaadihii inaan soo qalleeyo miyaa la iga rabaa?

Qofkii dhar nijaas asoon ogeyn salaad ku tukada ma ansaxaysaa salaaddiisa
Qofkii dhar nijaas asoon ogeyn salaad ku tukada ma ansaxaysaa salaaddiisa

Jawaabta:

Culimada way isku khilaafeen marka qofka uusan ogeyn inuu dhar najaaso leh ku tukaday in salaaddiisa ay ansaxayso iyo in kale, qaar waxay qabaan in salaaddiisa aysan ansaxinin waxaa ka mid ah Culimadaas Imaam Shaafici iyo Imaam Axmed.

waxaa laga rabaa inuu kusoo celiyo salaadda qofkii sidaas ku tukuda, waxayna daliilsadeen aayadda quraanka oranaysa:

( وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ )

(Dharkaaga dahiri)

Waxay u arkaan in qofka dharkiisa daahir ahaado shardi inuu u yahay ansixidda salaadda.

Culimada qaar waxay qabaan qofka hadduu illaawo ama uusan ogeyn oo uu gadaal ka ogaado salaaddiisa inay ansaxayso waxayna daliilsadeen xadiiskan:

(بينَما رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ يصلِّي بأصحابِهِ إذ خلعَ نعليهِ فوضعَهُما عن يسارِهِ فلمَّا رأى ذلِكَ القومُ ألقوا نعالَهُم فلمَّا قضى رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ صلاتَهُ قالَ ما حملَكُم علَى إلقاءِ نعالِكُم قالوا رأيناكَ ألقيتَ نعليكَ فألقينا نعالَنا فقالَ رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ إنَّ جبريلَ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ أتاني فأخبرَني أنَّ فيهِما قذرًا – أو قالَ أذًى)

(Nabiga (SCW) asoo asxaabtiisa salaad galinaya wuxuu siibay kabahiisa wuxuu dhigay bidixdiisa, markii ay arkeen dadka kabahooda ayay tuureen, markuu rasuulkii Alle salaadda dhameeyay wuxuu yiri: maxaa idinku xambaaray inaad tuurtaan kabahiina, waxay dhaheen waxaan ku aragnay inaad kabahaaga tuurtay annaga waan tuurnay, wuxuu yiri rasuulkii Alle (SCW) Jibriil (CS) ayaa ii yimid wuxuu ii sheegay inay lahaayeen wasakh – ama wuxuu yiri: dhib (najaaso).)

Xadiiskan ayay u daliilsadeen qofka hadduu ku tukado asoo illowsan dhar nijaas ah salaadda inuusan soo celinaynin, waxaa kaloo ay cuskadeen oraahda Alle:

﴿رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا﴾

( Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno)

 

Waxaa fiican inaad soo celiso salaaddaada maxaayeelay waxaa ila xoog badan mad’habka hore.

Laakin qofka hadduusan ogeyn inuu dhar najaaso leh ku tukaday ama soo xusuusan waayo salaaddiisa way ansaxaysaa, waxaana daliid u ah aayadda:

﴿رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا﴾

( Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More