Qofkii dhar nijaas asoon ogeyn salaad ku tukada ma ansaxaysaa salaaddiisa
Su’aasha:
Asc Daruur.com ramadaan kariiim,, salaaddii duhur iyo casarba markaan tukaday kadib ayaan ogaaday in dharkaan xidhnaa qaar kamid ahi aanay daahir ahayn,, salaadihii inaan soo qalleeyo miyaa la iga rabaa?
Qofkii dhar nijaas asoon ogeyn salaad ku tukada ma ansaxaysaa salaaddiisa
Jawaabta:
Culimada way isku khilaafeen marka qofka uusan ogeyn inuu dhar najaaso leh ku tukaday in salaaddiisa ay ansaxayso iyo in kale, qaar waxay qabaan in salaaddiisa aysan ansaxinin waxaa ka mid ah Culimadaas Imaam Shaafici iyo Imaam Axmed.
waxaa laga rabaa inuu kusoo celiyo salaadda qofkii sidaas ku tukuda, waxayna daliilsadeen aayadda quraanka oranaysa:
( وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ )
(Dharkaaga dahiri)
Waxay u arkaan in qofka dharkiisa daahir ahaado shardi inuu u yahay ansixidda salaadda.