Site icon Daruur درور

Qaadka iyo sigaarka waxa ay qofka u keeni karaan

Su’aasha:

Asc waan idin salamey bahda daruur waxan ahey nin dhalinyaro ah waxan usticmali jirey balwada badan oo qaadka iyo sigaarka kamid yahy alxamdulilaah hada mudo sadex isbuuc ah ma isticmalin marka waxan isku arkey fakar iyo walwal badan iyo salaada oo igu culus xafadna aan kabixi karin.

Qaadka iyo sigaarka waxa ay qofka u keeni karaan
Qaadka iyo sigaarka waxa ay qofka u keeni karaan

Jawaabta:

Si toos uga har balwadda aad sheegtay qaadka iyo sigaarka, sidaada caadiga ayaad kusoo noqonaysaa, waxaad ku dadaashaa inaad masaajidka u badnaato oo aad quraanka akhrisato oo aad dhegeysato duruusta diiniga masjidka ka baxaayo, sidoo kale inaad barato dad wanaagsan oo aad saaxiibo ka dhiganayso, iska ilaali inaad ku laabato balawadda, inshaa Allaah waad ka caafimaadaysaa, wixii walwalna waa ka baxayaa mustaqbalka ka fikir si aad u noqon lahayd qof bulshada wax u taraya.

Balwadda jirka marka uu u barto oo uu waayo qofka wuxuu dareemayaa nafsiyan ciriiri iyo walwal iyo qalqal iyo niyadjab, shaydaaankana waa kuu sii kordhinayaa, marka sidaan kuu sheegay ayaad kaga bixi kartaa.

Exit mobile version