Nin eed badan guurkiisa maxaa lagala kulmaa

Marrying a man who is blamed for the consequences of this marriage in the future

Su’aasha:

Waxaa jira nin eed badan oo mar kaste dadka eeda oo caan ku ah qaraabana waannu nahay marka wuxuu iga rabaa guur anigana waan rabaa laakin waxaan ka baqayaa dabcigiisaoo adag waa qof maanta oo dhan dadka eeda waa caan wuuna xanaaq badan yahay maxaad igula talin lahaydeen malaga yaabaa ninkaas inuu is baddalo.

Nin eed badan guurkiisa maxaa lagala kulmaa
Nin eed badan guurkiisa maxaa lagala kulmaa

Jawaabta:

Guurka waxaa ugu muhimsan isfahan qofka marka uu yahay qof xanaaq badan way adag tahay in si degan lagula noolaado marka waxaa kuufiican inaadan ku degdegin qof xanaaq badan guurskiisa, teeda kale qof sidan dadka  u eedaya asoo ay dadka ka fog yihiin ka waran xaaskiisa siduu u eedaa, waayo xaaskiisa mar kaste way isla nool yihiin wax badan ayaa ka dhexeeya cuntada ayay u karisaa dharka ayay u dhaqdaa guriga ayay nadiifisaa marka haddii maalin kaste eed uu ku hayo noloshooda sidey noqonaysaa miyaad u sabri kartaa marka waxaan ku dhihi lahaa si fiican uga fikir guurkaas. waxaana ugu fiican inaad salaad istikhaaro tukato.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More