Meeqa sano ayaa laga joogaa abuurista dunida iyo nabi Aadam (CS)
Meeqa sano ayaa laga joogaa abuurista dunida iyo nabi Aadam (CS)
Su’aasha:
Asc walaal Dadku waxa ay dhahaan dunidu waxa ay dhisan tahay malaayiin sano ama waxa lahelay dad noolaa malaayiin sano ka hor noolaa qalfoofkooda Marka maxa ka jira ? meeqa sano ayaase ka soo wareegay nabi aadam (c.s) wakhtigii uu noola ? Mahadsanidin.
Jawaabta:
Dadka reer galbeedka ma aaminsana diinta sidaa awgeed aqoontooda waxay ku dhiseen khuraafaad oo shaydaan u akhriyay, abuurista koonka ama dunida qof ogaan karo ma jiro oon ahayn Allaha abuuray, isaga kaliya ayaa sheegi kara inta ay dunida soo jirtay.
Qofka muslinka ah ma aha inuu aamino dad ayaa noolaa malaayiin sano kahor, sheekooyinkaas waa been waxaana aamina dadka caqliga laga xaday.
Alle quraanka kariimka wuxuu ku yiri:
(مَّا أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ الْمُضِلِّينَ عَضُدًا)
(maraga ugama dhigin kuwaas abuurka Samooyinka iyo dhulka iyo abuurka Naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo)
Marka qof aan Alle ahayn wax ka og ma jiro dunida abuuristeeda, sidoo kale quraanka wuxuu noo sheegay habka loo abuuray dhulka iyo cirka iyo sida loo qaddaray quudka dhulka Ilaahay dhex dhigay, wuxuu yiri Alle asoo faahfaahinaya siduu u abuuray dhulka iyo cirka:
(قُلْ أَئِنَّكُمْ لَتَكْفُرُونَ بِالَّذِي خَلَقَ الْأَرْضَ فِي يَوْمَيْنِ وَتَجْعَلُونَ لَهُ أَندَادًا ۚ ذَٰلِكَ رَبُّ الْعَالَمِينَ *وَجَعَلَ فِيهَا رَوَاسِيَ مِن فَوْقِهَا وَبَارَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَا أَقْوَاتَهَا فِي أَرْبَعَةِ أَيَّامٍ سَوَاءً لِّلسَّائِلِينَ * ثُمَّ اسْتَوَىٰ إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ائْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ)
(Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan kan (Eebaha) ku abuuray Dhulka laba maalmood, ood u yeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Eebaha Caalamka * Wuxuuna yeelay Dhulka dhexdiisa Buuro wuuna barakeeyay dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) Cunnadiisa afar maalmood iyadooy u simantahay dadka weydiin * Markaasuu Eebe u istawooday (qasday) Cirka oo qiiq ah kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (la qasbi) waxayna dheheen waan nimid anagoo addeecsan)
Quraanka aad buu uga hadlay abuurista koonka iyo aadanaha, nabi aadan qisadiisa dhowr meel ayay kusoo aroortay oo ka mid ah quraanka kariimka, kuwa gaalada inay aqoon leeyihiin isku sheega ma aaminsana Ilaahay inuu abuuray nabi aadan waxay aaminsan yihiin dadka asalkooda inay daanyeer ahaayeen, sidoo kale waxay aaminsan yihiin dunida kaligeeda inay iska samaysantay marka dad sidaas uga soo horjeedo dhabta uu quraanka sheegay sidee warkooda loo aaminaa?!
Marka abuurista koonka lama ogaan karo intay tahay, koonka waxaan ula jeedaa dhulka iyo cirka iyo qorraxda iyo dayaxa iyo xidigaha iwm. oon ahayn dadka, laakin abuurista nabi Aadam sida axaadiista laga fahmayo ma gaarsiisana intaas waxaa ka mid ah xadiiskan:
(أن رجلًا قال: يا رسولَ اللهِ أنبيٌّ كان آدمُ ؟ قال: نعم. قال: كم بينَه وبينَ نوحٍ؟ قال: عشرةُ قرونٍ. قال: كم بينَ نوحٍ وإبراهيمَ؟ قال: عشرةُ قرونٍ. قال: يا رسولَ اللهِ كم كانت الرسلُ؟ قال: ثلاثُ مائةٍ وخمسةَ عشرَ) المصدر
(Nin ayaa yiri: rasuulkii allow Aadam nabi miyuu ahaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu yiri: Nuux iyo isaga imisaa u dhexaysay? wuxuu yiri: toban qarni wuxuu yiri: Nuux iyo Ibraahiim imisaa u dhexaysay? wuxuu yiri: toban qarni, wuxuu yiri: rasuulkii allow imisa ayay ahaayeen rususha ? wuxuu yiri sedax boqol iyo shan iyo toban)
Xadiiskan waxaa laga wariyay Abuu Umaama Albaahili (RC) wuxuu ku sugan yahay kitaabka majmac al-zawaaid, ragga sanadkana waa ragga saxiixa.
Culimada muslimiinta waxay cuskadeen axaadiis tilmaamaysa arrimahaas lagasoo bilaabo abuurista nabi Aadan, wuxuu yiri rasuulka (scw):
( أجَلُكم في أجَلِ مَن كان قَبلَكم كما بينَ صَلاةِ العَصرِ إلى غُروبِ الشَّمسِ) التخريج
(waqtigiina marka loo eego waqtiga dadka adin ka horreeyay waa wax la mid ah inta u dhexeysa salaadda casir ilaa qorraxda ka dhacdo)
Xadiiskan Bukhaari ayaa wariyay wuxuuna ka wariyay Cabdullaahi bin Cumar (RC)
waxaa lagu fasiray muddada umaddan inay tahay maalinta shan meelood meel marka loo qaybiyo Imaam Addabari wuxuu qabaa cimriga adduunka inuu yahay toddoba sano waxaana ku raacay Caalim kale la oran jiray Alsuhayli, si kaste ha ahaatee, waxa gaalada ay sheegayaan meel loo cuskado ma jiro
Marka ogow laf meel lagasoo helay inaysan sheegi karin da’da ay jirto waa khuraafaad iska cad, dadkaas ma aaminsana waxa diinta kusoo arooray xataa diinta yauudda iyo kirishtaanka oo qaarkooda ay sheegtaan inay diimahaas aaminsan yihiin sheekadaas ma aaminsana, ee arrimahaas waxaa ka dambeeya Ibliis oo raba inuu dadka ka habaabiyo abuurista koonka inuu Alle ka dambeeyo, gaalnimada waxa badiyay waa aqoontaas beenta ah, in aadanaha iska dhigo inuu wax kaste og yahay, xataa wixii soo socdo oo la xiriira dhimashada kaddib, marka haddaad rabto aqoon sax ah u laabo wixii diinta islaamka ay ka sheegtay koonka, shardina ma aha inaad ogaato inta ay tahay tiradaas, laakin waxaan shaki ku jirin gaalada waxa ay sheegaan inuu been yahay.
Waxaa kaloo daruuri ah in la ogaado farqi inuu u dhexeeyo abuurista nabi Aadan iyo abuurista dhulka, waxaa horreeya dhulka lamana oga inta uu ka horreeyo, taasna waxyi kaliya ayaa lagu ogaan karaa ee gaalo diinta diiday aqoontooda ma gaarsiisana, waxyigana kama hadlin inta u dhexaysa abuurista dhulka iyo abuurista insaanka.