Cilmiga fasirka riyooyinka iyo kutubta ugu muhiimsan

Cilmiga fasirka riyooyinka iyo kutubta ugu muhiimsan

Su’aasha:

Waan salaamayaa dhammaan hawlwadeennada webka Daruur.com. run ahaantii webkani wuxu noqday qayb noloshayda kamid ah cilmi badanna waan ka faaiiday allah baa mahadleh kadibna hawlwadeennada.
Wll su aashaydu waxay tahay fasirka riyooyinku ma cilmi si gaar ah loo bartaabaa mise waa hibo ilaahay uu siiyo qayb kamid ah adoomihiisa.

Cilmiga fasirka riyooyinka iyo kutubta ugu muhiimsan
Cilmiga fasirka riyooyinka iyo kutubta ugu muhiimsan

Jawaabta:

Cilmiga fasirka riyooyinka waxaa lagu tiriyaa culuumta islaamka, riyada sida la og yahay waxay ka mid tahay waxyaalaha lagu ogaado arrimaha mustaqbalka, Alle addoomadiisa qaar riyo ayuu ku tusiyaa waxyaalaha soo socda

 Riyada waxay  noqon kartaa digniin wax lagaaga digayo, sidoo kale qofka mu’minka ah riyadiisa way rumoobaysaa marka la gaaro aakhir samaanka sida xadiiska sheegay, nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(إذا اقْتَرَبَ الزَّمانُ لَمْ تَكَدْ تَكْذِبُ رُؤْيا المُؤْمِنِ، ورُؤْيا المُؤْمِنِ جُزْءٌ مِن سِتَّةٍ وأَرْبَعِينَ جُزْءًا مِنَ النُّبُوَّةِ)

(Markuu samanka soo dhowaado riyada mu’minka been ma noqoto, riyada mu’minka waa qeyb ka mid ah lix iyo afartan qeybood nabinimada ah)

Xadiiska waxaa wariyay Bukhaari wuxuu tilmaamayaa qofka mu’minka ah riyadiisa inay ka timaado xagga Alle waxaa sii caddeynaya xadiis kale saxiix ah oo uu wariyay Ibnu Maajah isagana saxiix ah wuxuu yiri nabiga (SCW):

(الرُّؤيا الحسنةُ من الرَّجلِ الصَّالحِ جزءٌ من ستَّةٍ وأربعين جزءًا من النُّبوَّةِ)

(riyada fiican oo ka imaanaysa qofka wanaagsan waa qeyb ka mid ah lix iyo afartan nabinimada ah)

Riyada qofka mu’minka arkaya waxaa loo ekeeysiiyay nabinimada, maxaayeelay xagga Alle ayay ka imaanaysaa siday nabinimada uga tmid waana xaq siday nabinimada xaq u tahay.

Wuxuu yiri Muxammad bin Siiriin (Alle ha u naxariistee):

(كانَ يُقالُ: الرُّؤْيا ثَلاثٌ: حَديثُ النَّفْسِ، وتَخْوِيفُ الشَّيْطانِ، وبُشْرَى مِنَ اللَّهِ، فمَن رَأَى شيئًا يَكْرَهُهُ فلا يَقُصَّهُ علَى أحَدٍ ولْيَقُمْ فَلْيُصَلِّ)

(waxaa la dhihi jiray; riyooyinka waa seddex: wax naftu ku sheekaysato, iyo cabsigalinta shaydaanka, iyo bishaaro xagga Alle ka timid, qofkii ku riyoodo wax uu neceb yahay qof yuusan u sheegin ha istaago ha tukado)

Bukhaari ayaa ka wariyay oraahdan.

Fasirka riyada labo ayaan u kala qaadaynaa midka anbiyada ay fasiraan iyo midka culimada, kan anbiyada waa waxyi riyadaasna waxay noqonaysaa sida ay ku fasiraan, riyooyinka uu fasiray Nabi Yuusuf (CS)  ayaana asal u ah taas, waxyna ka mid ahayd mucjisooyinkiisa.

Nabiga (SCW) isagana asxaabtiisa ayuu u fasiri jiray riyooyinka.

Imaam Bukhaari kitaabkiisa saxiixa ah waxaa ku dhex jiro kitaab lagu magacaabo     كتاب التعبير  fasirka riyada. wuxuu kusoo arooray aayadaha quraanka iyo axaadiisa riyooyinka ka hadlay, marka fasirka riyada wuxuu noqday aqoon leh qawaacid kutub ayaa laga qoray oo caan ah aadna u badan tusaale ahaan waxaa ugu muhiimsan kutubtan waxaadna usoo download gareen kartaa PDF ahaan :

1- تفسير الأحلام لابن سيرين

تفسير الأحلام لابن سيرين
تفسير الأحلام لابن سيرين

Halkan ayaad ka soo degsan kartaa:

2- الإشارات في علم العبارات

الإشارات في علم العبارات
الإشارات في علم العبارات

Halkan ayaad ka soo degsan kartaa:

3- تعطير الأنام في تعبير المنام

تعطير الأنام في تعبير المنام
تعطير الأنام في تعبير المنام

Halkan ayaad ka soo degsan kartaa:

Marka kutubtan iyo kuwo kale oo la mid ah waxay ka hadlaan qaabka loo fasiro riyada iyo qaacidada loo maro iyo hababka ay isu baddasho riyada marka la fasirayo wax kaste astaanta uu matalayo tusaale ahaan maska inuu cadow matalayo oo kale iwm.

Marka qofka akhristo kutubtan oo fahmo wuu fasiri karaa riyo,  way dhici kartaa inuu fasirkiisa qaldamo laakin inta badan sax ayuu noqdaa siiba marka uu muddo ku jiro howshan.

 

Halkan ka daawo tusaale ka mid ah buugtan oo af soomaali lagu sharxayo

Fasirka Riyooyinka Iyo Xaaladaha Riyada

You might also like
1 Comment
  1. Naxariista Alle (SW) iyo ducada aqbalka meelaha laga helo
    Armaan says

    Wll waan kaaga mahadcelinaya jawaabta balaadhan iyo sharraxaadda dhamayska Tiran ee aad su aashayda iga siisay, sidoo kale kutubka aad qiimaha badan ee aad isoo dhigtay link yadooda. Ilaahay miisaanka xasanaadka hakuu saaro

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More