Luuqadda Carabiga qaababka loo baran karo

Su’aasha:

Waan idin salaamay bahda daruur. Ajir iyo xasanaad aan la soo koobi karin Allaha idinka siiyo howsha aad dadkiina u haysaan. Waxaan qabaa su’aal.

Waxaan ahay muwaadhin qurbaha ku nool, waxaana ahay darawal ka shaqeeyo gaadiidka xamuulka qaada oo inta badanaa firaaqada ayaa igu yar, waxaana doonayaa inaan luuqadda Carabiga barto. Marka waxaan rabay inaad ii sheegtaan Abab (apps) luuqadda carabiga aan ka baran karo ama qaab kale oo aan online ka uga baran karo hadaad taqaanaan. Mahadsanidiin.

Luuqadda Carabiga qaababka loo baran karo
Luuqadda Carabiga qaababka loo baran karo

Jawaabta:

Afka carabiga siyaabo badan ayaad ku baran kartaa, waxaad ka baran kartaa YouTube dadka carabta iyo dadka soomaalida ayaad ka heli kartaa iyagoo sharxaya, waxaa kaloo aad ka baran kartaa culimada akhriya kutubta diiniga iyo naxwaha. siiba culimada akhriya kutubta bilowga ah wax weyn ayaad ka faa’idaysan kartaa. Iyagana waxaad ka heli kartaa YouTube waana arrin adiga kuu fudud.

Webka daruur waxaad ka heli kartaa qaamuus carabi somali online ah halkaan ka gal:

Arabic Somali

ereyo badan ayaad ka helaysaa oo carabi iyo soomaali ah.

Barashada afka carabiga halkan kala soco:

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More