Kaniiniga Dapoxetine ma lala cuni karaa fiyaagaraha

Su’aasha:

Walaal kaniinada waxay kala yihiin Dapoxetine iyo viagra halmar mawada isticmali karaa

Kaniiniga Dapoxetine ma lala cuni karaa fiyaagaraha
Kaniiniga Dapoxetine ma lala cuni karaa fiyaagaraha

Jawaabta:

Kaniiniga Dapoxetine wuxuu kaa tagsiiyaa raaxada xataa hadduu geedkaaga taagan yahay raaxo ma dareemaysid waxaa laga yaabaaba inuu saameeyo kacsiga geedka, teeda kale ma fiicna inaad adeegsato guud ahaan kaniiniyada kacsiga.

Wuxuu leeyahay kaniiniga Dapoxetine side effects badan waxaa ka mid ah shuban ama caloosha inay kugu dhegto, culeyska dheefshiidka, qalaylka afka, geedka inuu kaa damo, dhegta inay yeerto, sanka inuu kaa caburmo sida qof hargab hayo oo kale, cadaadiska dhiiga inuu kor u kaco.

Waxaa kugu habboon inaad isku xoojiso wax damiici ah sida geedka Ginseng oo kale iyo cuntada nafaqada leh sida kaluunka. basasha. toonta. saliid seytuunka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More