Jareyska iyo cudurada jirka waxyaalaha ka dhexeeya

Su’aasha:

walaal markaan xanaaqo ama markaan dad badan hortooda hor istaago ama markaan qof is dagaalno ka bacdi waan jareeya oo waan qarqaraa gacmahayga iyo lugahaygaba walaal arintaa maxaa u sabab ah aidigoo raali mahadsanid.

Jareyska iyo cudurada jirka waxyaalaha ka dhexeeya
Jareyska iyo cudurada jirka waxyaalaha ka dhexeeya

Jawaabta:

Jareyska ama qarqarka qofka uu dareemayo markuu xanaaqo ama markuu wax ka baqo sababo kala duwan ayaa keeni kara, qaar waa sababo nafsi ah qaarna waa cudur jirka ku qarsoon.

Guud ahaan waxaa keena jareynta jirka gacmaha iyo lugaha qofka markuu xanaaqo ama uu baqo dhiiga ayaa karkara ama sokorta jirkiisa ayaa kor u kacda ama dhiigyari ayaa hayso ama qanjirada qaar ayuu ka jiran yahay ama hormoonka neerfaha saameeya oo lagu magacaabo Adrenaline ayaa kor u kaco.
Haddii aad awooddo inaad is baarto way ka sii fiican tahay.
Waxaad isaga ilaalin kartaa inaad iska yarayso neerfaha iyo xanaaqa, jirkaaga bar sida loo xakameeyo xanaaqa, sidoo kale dulqaadka iyo sabarka ku dadaal, haddii arrimahaas aad aragto isla markii meeshaas kasoo tag biyo, raadso weysaqaado, waxaan kula talin lahaa inaad ogaato sababka adiga khaasatan kuu keenaya arrintaas hadduu nafsi yahay ama hadduu yahay mid jirka u noqonaya.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More